Xaqiiqda weera la sheegay in ciidamada asluubta ay ku qaadeen taliyaha Haramcad

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 8 qof oo ka tirsna booliska Soomaaliya iyo ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa Caasimada Online u sheegay in aysan jirin ciidan ka tirsan Asluubta oo weerar ku qaaday guriga Farxaan Maxamuud Qaroole.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa aad baraha Bulshada iyo warbaahinta Soomaalida loogu baahiyay wararka sheegayo in la weeraray guriga taliyaha ciidanka Haramcad ee Farxaan Qaroole.

Wararka lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya, in 6 Askari oo ka tirsan ciidanka asluubta ay Axaddii maqribkii ka noqdeen Isgoyska dabka oo la sheegay inuu yiilay gaari qarax looga shakiyay, waxayna markaas wadeen sarkaal ka tirsan ciidanka Asluubta oo dagan Waabari.

Ciidanka Asluubta ayaa guriga sarkaalka ay wadeen damcay in ay galaan Buundo 1-aad kuna aadan Isgoyska dabka, waxaana la sheegay in ay ku tageen aag u xirnaa Farxaan Qaroole, markii ay ka soo laabteena rasaas lagu furay.

Saraakiisha aan la hadalnay ayaa sheegay in rasaasta ay fureen ciidanka Farxaan Qaroole islamarkaana aysan jirin wax rasaas ah oo ay bilaabeen ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeyso in Taliye Farxaan Qaroole ciidankiisa qirteen in rasaasta dhankooda ka bilaabatay kadib markii ay ka shakiyeen gaariga goobta ka laabtay.

Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sidoo kale shalay beeniyay in ciidanka Asluubta ay weerar qaadeen kadib markii warbaahinta Soomaalida ay shalay baahisay xogtaas.

Afhayeenka ciiddanka asluuubta, Cabdiqani Maxamed Qalaf, ayaa sheegay sarkaal katirsan ciidanka asluubta oo ilaalo wata ay israsaaseeyeen ilaalada taliyaha ciidanka Haramcad, taasoo uu sheegay inay ku timid isfahan darro iyo kala shaki ka dhex abuurmay labada ciidan.

“Nin sarkaal oo katirsan ciiddankeeda ayaa marayay waddada dabka, waxaa wadada laga sheegay Qarax, Wuxuu ka leexday jidkii, wuxuu maray jid cadde, jid caddihii wuxuu geeyay guri uu degen yahay nin sarkaal oo markii dambe nala ku  sheegay taliyaha haysta ciidanka Haramcad. Markii wadadii kusoo xirantay ayuu taliyuhu kala wareegay, kadibna labadii ciidan way is xabbadeeyeen, ciidanka Haramcad ayaa shakiyay oo xabbada soo riday,” ayuu yiri Cabdqani Qalaf.