Siyaasiyiin miisan culus oo magaalada Dhuusamareeb ku wajahan + Ujeedka

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Siyaasiyiin culus oo mucaarad ah ayaa saacadaha soo socda ee maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Siyaasiyiintan ayaa waxaa horkacaya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waxaana socdaalka ku wehlinaya xubno ka tirsan xisbiga Wadajir iyo mas’uuliyiin kale.

Ujeedka socdaalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo wafdigiisa ayaa la sheegay inuu la xiriiro kulan ay la qaadan doonaan madaxda Galmudug iyo qeybaha bulshada.

Sidoo kale waxaa haatan qaban-qaabadii u dambeysay ee soo dhoweynta wafdigan laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir oo ka mid ah xubnaha mucaaradka ee sida weyn uga soo horjeedo dowladda dhexe ayaa soo dhoweeyey heshiiskii Dhuusamareeb, inkastoo uu ka digay dib u dhac ku yimaada, xilliga loo qorsheeyey inay dhacdo doorashada 2020/2021.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, xilli todobaadkii la soo dhaafay Dhuusamareeb lagu soo xiray wejiga 3aad ee shirka Dhuusamareeb, kaas oo aysan ka qeyb-gelin mucaaradka.