Muxuu ahaa ujeedla kulanka uu Muuse Biixi la qaatay guddiga doorashooyinka?

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay guddiga komishanka doorashooyinka Somaliland, xili uu weli khilaaf ka taagan yahay qabsoomida doorashada.

Madaxweynaha ayaa warbixin dheer ka dhageystay Guddigaasi, midaasi oo ku qotomtay hawlaha qabsoomidda doorashooyinka isku-sidkan ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka oo ay hore u soo saareen jadwalkii diwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka.

Guddiga ayaa sidoo kale Biixi u sheegay inay howlahaasi u bandhigeen xisbiyada qaranka, waxana ay sheegeen inay ka go’an tahay sidii ay doorashooyinku ugu qabsoomi lahaayeen xilliga ay muddeeyeen.

Muuse Biixi ayaa guddiga ku bogaadiyey dedaalkaasi ay sheegeen ee ay ugu jiraan diyaarinta qabsoomidda doorashooyinka, isagoona ku dhiirigeliyay inay xaqiijiyaan sidii ay doorashooyinkaasi uga qabsoomi lahaayeen deegaanada Somaliland.

Waxa kale oo madaxweynuhu ku adkeeyey inay dardar-geliyaan diyaarinta diwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo hawsha qabsoomidda doorashooyinka, oo xiligan uu muran badan ka taagan yahay.

Ugu dambeyntiina waxa kulankaas madaxweynaha iyo guddida doorashooyinka Somaliland la iskula meel dhigay ‘in si wada-jira loo wajaho caqabadaha hortaagan qabsoomidda doorashooyinka’.