Maxay Kenya ka tiri qorshaha Mareykanka ciidamadiisa u gala baxayo Soomaaliya?

Niarobi (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Kenya, Kamau Macharia ayaa markii ugu horreysay ka hadlay qorshaha uu wado Trump ee uu ku doonayo in ciidanka Mareykanka looga saaro gudaha Soomaaliya.

Kamau Macharia ayaa sheegay, haddii uu Mareykanka ka dhabeeyo tallaabadaasi ay halis weyn ku tahay abaabulka dagaallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Xoghayaha ayaa tilmaamay in ciidamada iyo diyaaradaha Mareykanka ayaa kaalin muuqata ay ka qaataan dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay qeyb weyn ka geysteen ka hortagga weerarada ay fuliso kooxdaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Kenya ay dhibaato xoogan kala kulantay weerarada Al-Shabaab ay ka fuliso dalkeeda, gaar ahaan dhanka maalgashiga iyo dhaqaalaha.

Mr Macharia ayaa ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab inta laga adkaanayo, islamarkaana xasilooni looga soo dabaalayo Soomaaliya.

Hadalkan ka soo baxaya Kenya ayaa ku soo aadaya, xilli dhowaan madaxweyne Donald Trump uu la-taliyeyaashiisa gaarka ah u sheegay inuu doonayo in ciidamada Mareykanka laga soo saaro gudaha Soomaaliya, kuwaas oo haatan lagu qiyaaso illaa 700 oo askari.