Xubno ay wadato Shabaab oo la shaaciyey inay isku soo sharxeen BF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in Al-Shabaab ay soo sharxeen musharraxiin badan oo u loolamaya kuraasta baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee dhowaan la soo dhisayo.

Dhaqtar oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle TV ayaa shaaca ka qaaday in dhammaan ergooyinkii soo doortay xildihaabada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ee hadda shaqeynaya iyo Ugaasyadooda loo yeeray, islamarkaana ay tageen deegaanada ay ka arrimiyaan Al-Shabaab, iyaga oo la soo tashkiiliyey, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaankan ayaa tilmaamay inay suura-gal noqon karto in kooxda Al-Shabaab xildhibaano 80% ay ku yeelato baarlamaanka soo socda ee Soomaaliya.

‘Anaga markaan doorashadii hore soo galnay ee 51-ka aheyd ergooyinkeenii kuli waxaa u yeertay Al-Shabaab, macalin Ugaasyadii ayaa loo yeeray macalin sama-doonadii ayaa loo yeeray waa lasoo tashkiiliyey (Tashkiil waxaa la dhahaa waxaa waaye waa la soo borogaraamiyey) hadda waxaa laga yaabaa xildhibaanadaan imaanaayo inay 80% noqdaan Shabaab,” ayuu yiri Xildhibaan Idiris Dhaqtar oo ka tirsan golaha shacabka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya in qaar ka mid ah dadka haatan isa soo sharraxay ee isa soo dhigay Facebook-ga ay wadato kooxda Al-Shabaab, xittaa lacagaha ay doorashada ku galayaan ay ka bixineyso, isaga oo sababta ku sheegay inay tahay doorashada dadban ee la aadayo.

“Waxaa isa soo sharraxay oo hadda aan dareemi karno ee isa soo dhigay Facebook-yada musharraxan ahay meelahay sal ku leeyihiin waan ognahay waxay sal ku leeyihiin Al-Shabaabaa soo wadata lacag ayey xittaa ka bixineysaa saas ayaan aaminsanahay, sababtaasna waxa keenay waxa waaye doorashadan dadban,” ayuu markale yiri Dhatar.

Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay in isagu uu ahaa mid ka mid ah labadii xildhibaan ee diiday doorashada dadban ee ay dhowaan ku heshiyeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Dhaqtar ayaa xusay in doorashada soo socota aysan ka duwaneyn tii hore oo uu tilmaamay inay shaqsiyaad badan lacago xad dhaaf ku bixiyeen sidii ay uga mid noqon lahaayeen baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, islamarkaana tan soo socota uu soo bixi doono ninba ninka uu ka lacag badan yahay.

“Waxaan u diidnayna waxaa waaye tii horaa aragnay waxaan xasuusanahay nimanaa milyan Dollar ku soo galay, midaa 700 oo kun ku soo galay waa doorasho lacag ah waaye tan ninba ninka uu ka lacag badan yahay aa soo baxaaya,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Xaqiiqda jirtaan kuu sheegaa waxaan uga hor imaaneyn waxaa waaye dad ayaa xasaanad ku raadinaayo kaalay xildhibaan noqo oo Ummaddaada u shaqey maahin, waxaa waaye lacag ayuu baxsanaa wuxuu iska rabaa xasaanadaas inuu iska shaqeysto.

Ugu dambeyn wuxuu mas’uuliyadda dusha ka saaray madaxda sare ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, isaga oo shaaciyey in arrintan haddii aan laga feejignaan ay dhalin karto sida hadda dhacday oo kale in kooramka baarlaamka uu markasta buuxsami waayo, maadaama ay shaqsiyaadka ugu badan yihiin ganacsato hantiile ah.

“Waxaa jiro inta hadda aan xildhibaanada anaga aheyn in kooramka weligiis meeshii rabay uuna gaarin, sababta keentay waxaa waaye dadkii doorashada dadban ku soo galay saas waaye Business-Man ayey u badan yihiin badanaa,” ayuu ku soo gaba-gabeeyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan lagu sii dhowaanayo waqtiga la soo xulayo xildhibaanada soo socda ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya oo ay mid kasto soo dooran doonaan illaa 101 ergo, waxaana sidoo kale dul dhigay xildhibaanad cusub shuruudo adag, sida inay isku diiwaan-geliyaan lacago aad u fara badan.