TRUMP oo amray tallaabo xasaasi ah oo ka dhan ah xildhibaan Ilhaan Cumar

Ocala (Caaismada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Wasaaradda Cadaaladda ka dalbaday inay baaritaan ku sameyso xildhibaan Ilhaan Cumar, isaga oo mar kale weerar culus ku qaaday.

Trump ayaa ku eedeeyey Ilhaan Cumar inay guursatay walaalkeed, ayna si sharci darro ah kusoo gelisay Mareykanka.

Trump oo habeenkii Jimcaha ka hadlayey isu soobax ka dhacay magaalada Ocala ee gobolka Florida ayaa sheegay inuu rumeysan yahay inuu ku guuleysan doono gobolka Minnesota doorashada November, sababtuna ay tahay Ilhaan Cumar.

“Wey neceb tahay waddankeena. Waxay ka timid meel aysan xitaa ka jirin dowlad, haddana halkan ayey imaneysaa oo waxay noo sheegeysaa sidii aan u maamuli laheyn dalkeena,” ayuu Trump u sheegay taageerayaashiisa.

“Aad ayaad u mahadsan tahay, waa qof dhab ah — waa qof cajiib ah – waa qof cajiib ah,” ayuu Trump si kajan ah u yiiri.

“Markaad eegto Aqalka [Wakiilada], ee Pelosi waxay neceb yihiin Israel waxayna aaminsan yihiin Omar, oo halkan timid kadibna guursatay walaalkeed, si uu halkan sharci darro ugu yimaado,” ayuu yiri Trump.

Ilhaan Cumar ayaa marar badan beenisay eedeynta la xiriirta inay guur been ah u sameysay walaalkeed, si ay usoo geliso Mareykanka. Sidoo kale ma jiraan wax caddeymo ah oo la heli karo oo arrintan taageeraya.