XOG: NISA oo xirtay XAAJI Abuukar Cumar Cadaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa xalay gurigiisa magaalada Muqdisho kasoo xiray ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan, oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu taajirsan Soomaaliya.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, Xaaji Abuukar Cumar Cadaan ayaa waxaa lagu eedeeyey taageero Al-Shabaab iyo dhiiri-gelinta rabshadaha iyo qaraxyada.

Xaaji Abuukar Cumar Cadaan ayaa wareysi uu Jimcihii siiyey Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho, waxa uu si cad ugu sheegay inuu taageersan yahay mabda’a ay ku taagan yihiin Al-Shabaab iyo in la baabi’iyo “gaalada” Xalane ku jirta.

“Weligey nin siyaasi ah wax gaar ah lama qabsan, dan gaar ahna kama lihi, Shabaab mabda’a ay ku taagan yihiin, oo ay jidka ugu jiraan waan teegeersanahay, been sheege nacallaaa ku yaalla, in gaaladan gaafuurada weyn leh ee Xalane ku jirta la baaba’sho waan rabaa, iyo waxa la socda, aniga been kuu sheegi maa, cidna ka baqi maa,” ayuu yiri.

Mar la weydiiyey su’aal ay ahayd qaraxyada ma ku taageersan tahay, waxa uu yiri “qaraxyada waxay ula jeedaan ayagaa og he, waa la weydiihaa qof kasta camalka ay sameyso.”

Abuukar Cumar Cadaan ayaa sidoo kale sheegay in dalka ay haystaan “nimanka Xalane fadhiya,” balse waxa uu yiri “sii haysan maayaan Insha Allah.”

Wareysiga Idaacadda Kulmiye oo ahaa goos-goos ah ayaa la filayaa in si rasmi ah loo sii daayo maanta oo Sabti ah.

Xarigan ayaa imanaya ayada oo sidoo kale ciidamada NISA ay ku dhowaan saddex toddobaad ka hor xireen tobaneeyo ganacsato oo uu ku jiro Xaaji Maxamuud Cumar Cadaan oo la dashay ganacsade Abuukar Cumar Cadaan.

Sababta loo xiray ganacsatadan ayaa lagu sheegay inay la xariirto macaamil dhex maray iyaga iyo Al-Shabaab, waxaana weli ay ku jiraan xabsiga, ayaga oo cadaalad u doonta maxkamad Al-Shabaab.

Hoos ka daawo wareysiga horseedi xariga Abuukar Cumar Cadaan.