Baydhaba (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Koonfur Galbeed, Maxamed Isaaq Cabdi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Baydhabo ayaa ka hadlay xaaladda magaaladaasi, kadib markii la sheegay inay go’doomiyeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.
Maxamed Isaaq ayaa beeniyay wararka sheegaya inay Al-Shabaab xayiraad ganacsi kusoo rogeen Baydhaba, wuxuuna sheegay inuu shaqeynayo isku socodka gaadiidka iyo dadka.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kooxda Al-Shabaab iyo dad leh dano gaar ah oo ay adeegsaneyso ay faafiyeen wararkaasi, si loogu marin habaabiyo bulshada.
“Jid xiran ma leh mootaa mareyso, baabuur ayaa maraayo marka meelaha waxa la wado waa borobagaando” ayuu yiri wasiirka amniga ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed.
Dhanka kale, waxa uu hoosta ka xariiqay in Koonfur Galbeed ay haatan wado guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, si looga xoreeyo guud ahaan saddexda gobolk ee maamulkaasi.
Wasiirka amniga ayaa sidoo kale farriin u diray dadka shacabka ah, wuxuuna ka dalbaday inay u diyaar garoobaan wajiga labaad ee dagaalka lagu qaadayo kooxda Al-Shabaab.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan xaalad adag laga dareemayo gudaha magaalada Baydhabo, kadib markii uu sare u kac ku yimid qiimaha raashinka ee suuqyada magaaladaasi, ayada oo loo sababeeyay ‘go’doon ay galiyeen’ xoogaga Al-Shabaab.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa ka warbixiyay saameynta ka dhalatay go’doominta cusub ee ay Shabaab gelisay Baydhaba, wuxuuna sheegay in kiilada bariiska ah ay gaartay qiimo dhan 35 kun oo shilinka Soomaaliga ah.
“Go’doominta ay Al-Shabaab kusoo rogtay Baydhaba waxa uu soo deg-degay markii maamulka Koonfur Galbeed uu is-hortaagay Macallimiin ay u yeertay kooxda” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay mid kamid ah warbaahinta gudaha.
Baydhaba ayaa ah magaallo weyn oo ku taalla Koonfurta Soomaaliya waxaana ay hoy u tahay boqolaal shacab ah oo qaarkood usoo barakacay gudaha magaaladaasi.