Maxay qabanayaan ciidamada ay dowladda Ingiriiska usoo direyso Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Britain ayaa ka dhawaajisay in ciidamo Militari ah oo tababarayaal ah ay soo gaari doonaan Magaalada Muqdisho si ay uga qeyb qaataan dhismaha ciidamada Soomaaliyeed.

Britain waxay sheegtay inay ka go’an tahay sidii ay uga qeyb qaadan laheyd sugidda Amniga  Soomaaliya , taasina ay tahay sababta ay Tababarayaal ciidan ay ugu soo dirayaan Soomaaliya si tayadaciidamada Soomaaliya ay uga qeyb qaataan .

Dowladda Uk waxay sheegtay in qodobo badan oo ka mid ah Ammaanka Soomaaliya diirada lagu saari doono shirka lagu qaban doono Magaalada London ee dalka Ingiriiska

Ciidamadaan kusoo wajahan Soomaaliya ayaa loogu tala galay in ay hormariyaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo tababar siin doono Militariga Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan xaqiijinta amniga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com