Xog-warran: Shakiga ka dhashay safarka Gaas iyo labada qorshe ee Ethiopia

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa maalintii saddexaad ku sugan dalka Ethiopia, halkaasi oo uu kulamo ku leeyahay madaxda dalkaas.

Gaas ayaa halkaas looga yeeray maalin un kadib markii uu dhammaaday shirkii madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada uga socday magaalada Muqdisho.

Safarka Gaas ee dalka Ethiopia, ayaa abuuray su’aalo badan oo jawaab u baahan kuna aadan waqtiga uu kusoo beegmay, iyo deg degta Ethiopia ay ugu yeertay markii uu la shiray madaxda dowladda federaalka.

Waxaa jirta xiriirka Ethiopia iyo madaxweyne Farmaajo uu aad u xun yahay, islamarkaana Ethiopia aysan saameyn ku dhex lahayn dowladda cusub, si la mid ah dowladihii ka horreeyey ee Soomaaliya.

Waxyaabaha shirkii Muqdisho looga hadlay waxaa ka mid ah dhismaha ciidamo qaran oo dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ay si wada jir ah u sameeyaan, ayada oo la ogyahay in Ethiopia aysan marnaba dooneyn inay aragto ciidamo xooggan oo Soomaaliya ay leedahay.

Wicitaanka Gaas ee Addis-Ababa, ayaa dad badan ay u arkaan mid laba ujeedo leh. Waa tan koowaadee, in Ethiopia ay dooneyso inay wax badan ka ogaato waxyaabihii shirka looga hadlay iyo qorshaha dowladda Soomaaliya, iyo tan labaad oo ah in dowladda federaalka ay u muujiso in weli ay saameyn ku leedahay madaxda maamul goboleedyada, taasi oo shaki kala dhex dhigi karta labada dhinac.

Wax kasta oo ahaataba, Gaas hadda kow uma ahan inuu Ethiopia tago, wuxuuna magaalada Addis-Ababa booqda in ka badan magaalooyinka kale ee dunida oo dhan tan iyo markii uu madaxweynaha Puntland noqday.

Hase yeeshee, waxa uu mar kale muujiyey in isaga iyo madaxda maamul goboleedyadab ay yihiin wakiilo weli laga maamulo Addi-sAbaba, taasi oo niyadjab ku ah hanka dowladnimo ee soo iftiimay kadib doorashadii madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com