Maxay Soomaalida Itoobiya uga dhiggan tahay ceelasha shidaalka ee degaankooda?

Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreysay waxa ay maanta xariga ka jartay wax soo saarka ceelal laga qodo Shidaalka ceyriin oo ku yaalla deegaanka Soomaalida.

Ceelasha shidaalka ee maanta la daahfuray ayaa waxa ay ku yaallaan deegaannada Kaali iyo Ilaalo oo ka tirsan deegaanka Soomalida Itoobiya.

Xafladda furitaanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo wasiirka macdanta ee dowladda fedaraalka Itoobiya.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ee lagu magacaabo Fana ayaa mar sii horreysay ka soo xigatay Rai’sul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed in shacabka dalkiisa uu uga hambalyaynayo islamarkana maalintii la soo saari doono 450 barmiil oo shidaal ah.

Shidaalka gobtaasi ceegaaga ee ay heshay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ee lagu magacaabo Poly-GCL ayaa waxaa lagu qiyaasay 6 ilaa 8 Trillion Cubic Feet.

Shidaalka ceyriin ee goobtaasi laga helo ayaa waxa lagu wadaa in loo safriyo magaalada Addis Ababa iyo qaybaha kale ee dalka Itoobiya si gudaha loogu sifeeyo inta lagu guda jiray tijaabada.

“Waxaa muhiimka ah ayaa waxa uu yahay qaabka uu wadanka u isticmaalayo kheyraadka.

“Waa qasab in aan isku raacno in si xaq iyo sinaan ah loo qaybsado kheyraadka,” ayuu yirirai’sul wasaare Abiy.

Raisul wasaaraha dalka Itoobiya ayaa intaa ku daray in kheyraadka la helay uusan noqon mid horseeda khilaaf iyo dagaal sida ka dhacday dalalka qaar.

“Mararka qaar kheyraadka ayaa horseeda dagaal sida ka dhacday dalalka kale,” ayu yiri Dr Abiy.

Waxaa sidoo kale shaaca laga qaaday in dhismaha dhuumihii qaadi lahaa shidaalka oo ku xiraya ilaa Jabuuti uu bilaabanayo bisha September.

Dhoofinta shidaalka ayaa lagu wadaa in ay bilaabato sanadda 2021.

Shidaalkani ayaa waxaa lagu wadaa in uu sanooyiinka ugu horeeya ka soo galo dalka Itoobiya dhaqaala dhan 1.2 bilyan oo doolar.

Balse dhaqaalaha ka so baxa ayaa si tartiibtartiib ah u kordhi doona waxaana lagu wadaa in uu gaaro 7 bilyan oo doolar.

Khuburada ayaa sheegaya in khayraadkan dabiiciga ah haddii si xaq ah oo wanaagsan loo isticmaalo uu gacan ka gaysan doono in lacagta Itoobiya uu qiimaheedu sare u kaco islamarkana uu dhaqaalaha dalkaasi si xawli ah u kobco.

Waxaa sidoo kale shidaalkan laga helay dhulka Soomaalida Itoobiya uu gacan ka gaysan karaa in dadka ay helaan fursado shaqo.

Waxaa jira cabsi dhanka ammaanka ah maadaama horey injineero shidaal qodis ka waday deegaanka Soomaalida Itoobiya lagu laayay halkaasi.

2007 ayay ahayd markii 11 injineer oo u dhashay dalka Shiinaha iyo 74 qof oo ah dadka u dhashay dalkaasi ay jabhadda ONLF ku dileen halkaasi.

Balse gobolka ayaa imika la sheegay in uu ammaan uu yahay .

Ibraahim Sheekh Muxumed, {Ibraahim Dheere} oo horay madax uga ahaa ururukii UWSLF, ee xorenta Soomaali galbeed oo Itoobiya horay ula heshiiyay ayaa sheegay in ay tahay fursad aad u fiican oo ay dadka deegaankaasi sugayeen muddo qarni ka badan.

Mr Ibraahim ayaa intaa ku daray in caqabadaha ka hor imaan kara arrintani ay ka mid tahay arrinta amniga ayna tahay in arrintaasi la xaliyo.

Waxa uu sheegay in sanooyiin ka hor weerar lagu qaaday goob shidaal laga qodayay oo deegaanka ka tirsan lagu laayay injineero islamarkana ay tahay in arrintaasi la xaliyo si kalsoonida shirkadaha loo kasbado.

“Waxaan ogsoonahay in mar hore rag injineero ah oo shiineysa ah lagu laayay oo jabhadihii dagaalamayay ay laayeen marka taasi waxay u baahan tahay in la xaliyo oo jabhadaasi ONLF lala hadlo oo lala heshiiyo si degdeg ahna kiiskaasi loo dhameey”.ayuu yri.

Xigasho: BBC Somali