Sawiro: Somaliland oo cafis u fidisay ra’isul wasaare ku xigeenkii hore ee SOMALIA

Hargeysa (Caasimada Online) – Warqad ka soo baxday xafiiska Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland Maxamed Kaahi Axmed ayaa waxaa lagu sheegay in maamulka uu cafis u fidiyay Ridwaan Xirsi Maxamed oo Ra’isul wasaare ku-xigeen iyo Wasiirka arrimaha Diinta & Awqaafta ka ahaa xukuumadii Ra’iisul Wasaare C/wali Axmed Maxamed.

Warqada ayaa waxaa lagu sheegay in cafiska uu yahay mid uu fidiyay Madaxweyne Muuse Biixi oo tix raacaya cafisyadii uu horey ugu sameyn jiray siyaasiyiinta Somaliland Madaxweynihii hore Axmed Maxamed Siilaanyo inuu isaguna maanta cafis u fidiyay Ridwaan Xirsi Maxamed.

Maamulka Somaliland ayaa Ra’isul wasaare ku-xigeenkii hore ku eedeysay in mudo ah inuu ka soo horjeeday Qaranimada Somaliland, balse hada uu ka soo laabtay fikirkaas, sidaasi darteedna ay cafis u fidisay, tagi karana deegaanada Somaliland.

Dhinacyada ay warqada ku socto ayaa waxaa kamid ah Maareeyaha Hay’adda Duulista, Taliyaha Sirdoonka Somaliland iyo mas’uuliyiin kale.