Maxay SSC-Khaatumo ka yeeleysaa maxaabiista ay weli ka hayso Somaliland?

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo hadal ka jeediyay magaalada Laascaanood ayaa faah-faahin ka bixiyay maxaabiista Somaliland ee ay sii deynaynayaan iyo sida ay ka yeelayaan kuwa weli u xiran ee haatan gacanta ugu jiro.

Firdhiye ayaa shaaca ka qaaday in ogolaanshaha sii deynta 25 kamid maxaabiista ay ku timid kadib kulamo wadatashi ah oo ay la yeesheen wafdiga Ra’iisul wasaaraha, ayna isla garteen in lasii daayo maxaabiista wajahayo daruufaha gaarka ah oo gaaraya illaa 25 maxabuus.

“Kulamo wadatashi ah kadib oo aan la yeelanay wafdiga Ra’iisul wasaaraha waxaa la’isku raacay in laga jawaabo codsiga Xamza Cabdi Barre, waana ka jawaabay 25 maxbuus oo xaalado gaar ah ku sugan oo ay ku jirto Hooyo Cadar baa lasii daynayaa, haddii uu Ilaahey ka dhigo,” ayuu yiri Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in maxaasbiista ay sii deynayeen aanay ku bedalaneyn maxaabiista laga haysto, balse ay iyagu go’aansadeen  inay fasaxaan 25-ka maxbuus.

“Maxaabiistaas uma aanan sii deynin hadeer inaan ku beddalano 25-kaas in naloo soo daayo 25-tankoodii kale ee waxaan usii daynay niyad samaan ay dadka reer SSC muujinayaan inay nabad-gelyo iyo daris wanaag ay diyaar u yihiin,” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in sababta ugu wayn ay tahay in ku sharfaan Ra’iisul wasaare Xamza oo socdaal nabadeed ku gaaray magaalada Laascaanood, isla markaana ay isaga ku wareejiyeen maxaabiistaas, iyaga oo ilaalinayo nabadda iyo daris wanaagga.

“Haddii aan si kale u dhigo xukuumadda federaalka ah ee uu hoggaaminayo Xamza Cabdi Barre iyo wafdigiisu inay yimaadaan Laascaanood darbiyo waa wayn ayay soo jiireen ninkaanu ogeynow ogow,” ayuu mar kale yiri Madaxweynaha SSC-Khaatumo.

Dhanka kale, waxa uu carabka ku adkeeyay in weli ay maxaabiis badan ka hayaan maamulka Somaliland, ayna ku jiraan kuwa galay dambiyo waa wayn, isaga oo xusay in horgeeyn doonaan cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Inta dambiilayaasha ah weli xabsiyadeenna ayay ka buuxaan kuwa nagala hayo kuwa 5 jeer ka badan ayaynu haysanaa, Ilaahey idankiisa, waa soo baxayaan kuweennu kuwa dambiilayaasha ahna cadaaladda ayaa la horgeyn doonaa,” ayuu mar kale yiri Firdhiye.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Laascaanood ay ku xiran yihiin 283 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, halka magaalada Hargeysa-na ay hayso 67 maxbuus oo kasoo jeeda dhinaca SSC.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Federaalka ayaa Maamulka SSC-Khaatumo si rasmi ah ugu aqoonsatay dowlad-goboleed, ayna noqoto xubin buuxda oo ka tirsan Golaha Wadatashiga Qaranka, iyadoo deegaanadooduna ay yihiin qeyb aan muran ku jirin oo ka tirsan dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.