Soomaali laga soo tarxiilayo Mareykanka xilli uu maamulka Trump kordhiyey beegsiga

Baline (Caasimada Online) – Ciidanka xuduudaha Mareykanka ayaa xabsiga dhigay muwaadin Soomaali ah kaddib markii uu si sharci-darro ah uga soo gudbay dalka Canada, xilli maamulka Madaxweyne Donald Trump uu dib u billaabay ol’ole lagu adkaynayo siyaasadaha socdaalka ee dalka oo dhan.

Ninkan oo lagu magacaabo Yusuf Mohamed Ali ayaa la qabtay Khamiistii, 10-ka April, meel u dhow magaalada Blaine ee gobolka Washington, kaddib markii uu kasoo galay xadka dhinaca koonfureed ee Surrey, British Columbia, Canada.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa xaqiijiyay in Ali uu horey ugu lahaa dalka taariikh la xiriirta socdaal sharci-darro ah iyo dambiyo kale, oo ay ku jiraan kuwa la xiriira maandooriyaha. Wuxuu wajahaya dacwad ku saabsan ku-soo-noqosho sharci-darro ah kaddib markii horey loo masaafuriyay (8 U.S. Code § 1326), waxaana la filayaa in dib loogu celiyo Soomaaliya.

Xarigga Ali wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay socdaan isbeddello waaweyn oo ku aaddan siyaasadda socdaalka, kuwaasoo uu hormuud ka yahay Madaxweyne Trump, kaasoo dib usoo celiyay siyaasad adag oo lagula dhaqmo muhaajiriinta.

Horraantii sanadkan, maamulka Trump wuxuu ballaariyay xayiraadda socdaalka, isagoo ku daray in ka badan 40 dal oo ay ku jirto Soomaaliya. Waxa kale oo uu ku dhawaaqay qorshe ah in la masaafuriyo ilaa hal milyan oo muwaadiniin ah oo sharci la’aan ku jooga dalka sannadkii ugu horreeyay, taasoo dhalisay cambaareyn xooggan oo ka timid hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo kuwa u dooda muhaajiriinta.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed—oo intooda badan ku yimid Mareykanka iyagoo qaxooti ah ama helay magangalyo bani’aadamnimo—ayaa si gaar ah u saameeyay siyaasadaha cusub. Dib-u-eegista lagu sameeyay barnaamijyada Temporary Protected Status (TPS) iyo dib-u-dejinta qaxootiga ayaa sababay in boqolaal qof ay galaan xaalad sharciyeed oo aan caddayn, iyadoo cabsi laga qabo in dib loogu celiyo Soomaaliya ay sii kordhayso—dal weli wajahaya dagaallo, abaaro iyo xaalado dhaqaale oo adag.

Xarigga Ali wuxuu sidoo kale muujinayaa kororka socdaalka sharci-darrada ah ee ka socda xadka u dhexeeya Mareykanka iyo Canada, iyadoo dad badan ay isku dayayaan inay ka leexdaan nidaamyada adag ee fiisaha iyo waddooyinka sharciyeed. Magaalada Blaine—oo ah meel muhiim ah oo xuduud ah kana tirsan gobolka Pacific Northwest—ayaa sannadihii u dambeeyay noqotay meel ay si gaar ah isha ugu hayaan hay’adaha socdaalka.

Iyadoo baaritaanka la xiriira kiiskiisa uu weli socdo, mas’uuliyiinta socdaalka ayaa sheegay in la qaadi doono tallaabooyin degdeg ah oo lagu masaafurinayo, iyadoo la adeegsanayo nidaamka tarxiilka ee degdegga ah.

Hoggaamiyeyaasha bulshada iyo ururrada u dooda xuquuqda muhaajiriinta ayaa ugu baaqaya dowladda Mareykanka in ay bixiso taageero sharciyeed iyo dammaanad dheeraad ah si loo ilaaliyo muhaajiriinta nugul—gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalalka ay colaadu saameysey sida Soomaaliya—xilli siyaasadda adag ee maamulka Trump ay si weyn u saameyneyso jihada socdaalka Mareykanka.