Hooyo Cadar oo ka mid noqotay maxaabiista ay sii deysay SSC-Khaatumo

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ayaa maanta sii daayay 25 maxaabiis ah oo ay ku qabteen dagaalladii ay horay ula galeen Somaliland. Khaatumo ayaa maxaabiistaan ku wareejisay Ra’iisul wasaare Xamza oo booqasho laba casho ah ku tegay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Maxaabiistan la sii daayay ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin duruufo gaar ah, sidaas darteedna loo baahday in loo celiyo qoysaskooda.

Sida ay xaqiijisay Fahiimo Yuusuf Qooje oo reer Laascaanood ah waxaa kamid noqotay maxaabiista la sii daayay Hooyo Cadar oo lagu qabtay dagaalkii Goojacadde ee looga adkaaday ciidamada Somaliland, taas oo hadda dib ula midoobeyso carruurteeda.

“Cadar oo ahayd hooyo lagu qabtay dagaalki Goojacadde 25 Ogost ayaa kamida maxaabiista lasii daayay waan uga mahadcelinayaa maamulka SSC-khaatumo siidaynta hooyo Cadar sigaara waxaan mudnaanta usiinaya Raysal Wasaare Sayid Hamza Abdi Barre” ayuu tiri Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale waxa ay sii raacisay “Hooyo Cadar mudaday xidh nayd ba anigu waxaan cod dheer kulahaa siidaaya Cadar waa hooyo waayeela xarigeedu waxba inoo soo kordhin maaye”.

Arrintan ayaa ku timid wada-tashi lala yeeshay golayaasha dhaqanka iyo hoggaanka maamulka SSC-Khaatumo, kadib booqashadii uu ugu tegay Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo sidoo kale ku dhowaaqay aqoonsiga dowlad goboleedkaas.

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sidoo kale xaqiijiyay in xukkumaddiisu ay SSC-Khaatumo kala wareegtay 25-ka maxbuus oo haatan loo soo qaaday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

“Iyadoo la tixgelinayo Barnaamijka Nabadeynta ee uu garwadeenka ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayuu Maamulka SSC-Khaatumo, oo la tashaday golayaasha maamulka, ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya 25 maxbuus oo ka mid ah maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Somaliland iyo dad reer SSC-Khaatumo ah, kuwaas oo leh duruufo gaar ah,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Waxa intaas lagu sii daray bayaanka: “Dowladda Federaalka Soomaaliya dib ayey ugu celin doontaa maxaabiistan ehelkoodii, iyagoo badqaba.”

Tirada maxaabiista ee lagu wareejiyay Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa la filayaa inay qeyb ka tahay qorshe maxaabiis isdhaafsi ah oo u dhexeeya Somaliland iyo SSC-Khaatumo, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn dhaqan-galka qorshahan.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Laascaanood ay ku xiran yihiin 283 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, halka magaalada Hargeysa-na ay hayso 67 maxbuus oo kasoo jeeda dhinaca SSC.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Federaalka ayaa Maamulka SSC-Khaatumo si rasmi ah ugu aqoonsatay dowlad-goboleed, ayna noqoto xubin buuxda oo ka tirsan Golaha Wadatashiga Qaranka, iyadoo deegaanadooduna ay yihiin qeyb aan muran ku jirin oo ka tirsan dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.