Maxay tahay arrinta DF loo haysto inay si ula kac ah u sameysay ee loo jeediyay BF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay ka gaabsatay u hiliinta shacab ka badan 8,000 oo Muslimiin ah oo lagu xasuuqay dalka Boosniya, kadib markii khamiistii la soo dhaafay Golaha loo dhan yahay ee QM ay u codeeyeen in 11-ka July loo aqoonsaday maalinta caalamiga ah ee xuska xasuuqii Srebrenica ee sanadkii 1995.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in dowladaha adduunka ay cod aqlabiyad leh ugu hiiliyeen gabood falka loo gaystay muslimiintaasi, balse dowadda Soomaaliya ka gaabsatay, isla markaana gebi ahaan ay ka baaqatay kulanka codeynta, si ula u kac ah, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu shaki xoogan ka muujiyay kulan gaar ah oo magaalada Muqdisho ku dhex-maray ra’iisul wasaare Xamza iyo ergeyga gaarka ah ee Seerbiya u qaabilsan Geeska Afirka,isaga oo sheegay inuu caasimada u yimid ololaynta qadiyaddaas.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay baarlamaanka in arrintan uu soo farogeliyo, si madaxda sare ee dalka wax looga waydiiyo falkan oo uu tilmaamay inay ula kac u sameeyeen.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka oo dhameystiran:-

Shacabka Soomaaliyeed gaboodfal taariikhi ah ayey ku tahay in magaciisa loogu hiillin waayo qadiyad ay leeyihiin dad shacab ah oo Muslim ah. Khamiistii la soo dhaafay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyey in 11-ka July loo aqoonsaday maalinta caalamiga ah ee xuska xasuuqii Srebrenica ee sanadkii 1995-kii ay ciidamada Serbiyiinta ku dileen in ka badan 8,000 oo muslimiin Boosniyaan ah, kuna kufsadeen kumanaan kun oo haween ah.

Dawlada Soomaaliya ayaa si ulakac ah uga maqnaatay goobta codaynta, iyadoo aan wax sabab ah ama cudurdaar la aqbali karo lahayn. Xukuumadu waa in ay shacabka u fasirtaa sababta ku bixisay falkaas gurracan.

Guddiga arrimaha dibadda ee labada aqal ee Baarlamaanka waxaa waajib ku ah, haddiiba ay nafi ku harsantahay in ay xukuumadda waydiiyeen xiriirka ka dhexeeya kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo ergeyga gaarka ah ee Seerbiya u qaabilsan Geeska Afirka ee dalka u yimid ololaynta qadiyaddaas.

Inkasta oo ay Soomaaliya xadgudubkaas ku dhacday, haddana inta badan dawladihii adduunka cod aqlabiyad ah ayey ugu hiilliyeen dalka Boosniya.

Baraha bulshada ayaa lagu faafiyey Madaxweynaha dalka Seerbiya, Aleksandar Vučić’s oo ka ilmaynaya codaynta ka dhanka ah xasuuqa uu dalkiisa gaystay.