Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-simaha Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), James Swan oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa bilaabo kulamo gaar gaar ah oo uu la qaadanayo madaxda sare ee dalka.
James Swan ayaa booqasho ugu tegay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo ay yeesheen wada-hadallo gaar ah.
Ugu horreyn wasiir Fiqi, ayaa ugu hambalyeeyay James Swan xilka mar kale loo magacaabay, isaga oo u rajeeyay inuu ka soo dhalaalo mas’uuliyadaha loo igmaday.
Intaas kadib labada mas’uul ayaa kulankooda iskula eegay dhisidda guddi farsamo oo wadaag ah oo kala matalaya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo ujeedkooda shaqo uu yahay unkidda Xafiis Qaramada Midoobey ku yeelato dalka.
Sidoo kale waxaa lagu soo qaaday kulankan sare u qaadid iskaashi wax-ku-ool ah iyo iskuduwid sarraysa si loo gaaro ujeeddooyinka wadaagga ah ee ka shaqaynaya hannaanka kala guurka ee la qorsheeyay.
Swan waa markii labaad ee uu xilkan qabanayo, balse markan waa kusime, isaga oo si KMG usii hayn doono, waxaana uu dhameystiri doonaa howsha xafiiska UNSOM oo la qorsheynayo in sanadkan dib u eegis lagu sameeyo.
Isku soo wada duubo, Swan oo horay xilka Ergeyga QM ee Soomaaliya u soo qabtay sanadihii 2019-2022, si fiicana u yaqaana madaxda Soomaalida ayaa waxaa hadda hortaalla sidii uu dhinacyada isugu soo jiidi lahaa, si miiska wada-hadalka la iskugu yimaado, waana mid kamid ah shaqooyinka adag ee imaatinkiisa uu markaan la koowsanayo.
Ninkan ayaa sidoo kale lagu xasuustaa doorkii uu kulahaa doorashadii adkeyd ee murankeeda soo jiitamayay illaa 15-kii May 2022, ayaa waxaa xilligaan horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu horeyso isku soo dhaweynta madaxda Soomaalida ee sii kala fogaanaya.