Maxay tahay lacagta loo qeybiyey xildhibaanada BF ee aan aheyn mushaarka?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyay lacag aan ahayn Mushaar iyo Gunada ay sharci ahaanta u leeyihiin.

Xogta ayaa sheegeysa in dhammaan xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka la siiyay min $5000 (Shan Kun oo Doolar), waxaana la sheegay inay tahay lacag ay madaxda dowladda ugu talogaleen xildhibaannada, basle markii danbe magacyo badan yeelatay.

Xildhibaannada qaarkood ayaa sheegaya in lacagtan loo siiyey xildhibaannada inay u isticmaalaan Ramadaanka iyo Ciidul firtiga (Xagal Ciid), halka xildhibaannada qaarkood ay sheegeen inay tahay mahadcelin doorashadii guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka.

Warar kale ayaa la sheegaya in lacagtan oo marka la isku daro noqoneysa ku dhow 1.5 Milyan oo Doolar loo talogalay inay xildhibaannada fududeeyaan sharciyo muhiim u ah xukuumadda Soomaaliya oo Baarlamaanka horyaalla.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo ka mida mucaaradka dowlada Soomaaliya ayaa bixinta lacagtan ku xiray safarkii uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uga yimid dalka Qatar, wuxuuna si weyn u cambaareeyay in sidaasi ay dhacdo xilligan oo xaalad ba’an iyo fatahaad ka jirto dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli bixin inta badan dhaqaale ay ugu yahoohday dadka ku waxyeeloobay fatahaadda Gobolka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Weli lama soo werin xildhibaanno diiday lacagta oo su’aal ka keenay waxa ay tahay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com