Waalid maxkamad geeyay wiilkooda oo 30 jir ah oo diiday in uu ka guuro

Waalid Maraykan ah oo wiilkoodu ka diiday in uu ka guuro si uu noloshiisa u dabaro ayaa tallaabo adag ka qaaday, maxkamad ayayna ka dacweeyeen.

Macluumaad ay maxkamadda la wadaageen ayay waalidkii ku sheegeen in Michael Rotondo uusan bixinin lacag kiro ah, hawsha gurigana uusan wax ka qabanin, isla markaasna uu diiday qorshe ay u soo bandhigeen oo ay ku siin lahaayeen lacag uu magaalada kula qabsado.

Inkastoo Christina iyo Mark Rotondo ay shan ogaysiis qoreen haddana waxay sheegeen in wiilkoodu uu wali diidan yahay in uu guuro.

Michael ayaa ku doodaya sharci ahaan in aan la siinin ogaysiis ku filan oo uu ku guuro.

Hooyada iyo aabahan ayaa dacwadooda ka furay maxkamadda ugu sarraysa deegaanka Onondaga oo u dhaw Syracuse, New York taariikhdu markay ahayd toddobadii May.

Qareen Anthony Adorante ayaa Syracuse.com u sheegay in lamaanuhu aysan aqoonin si kale oo ay guriga uga saari karaan wiilkoodan qaangaarka ah.

“Waxaan go’aansanay in aad sida ugu dhakhso badan uga guurto gurigan” ayaa ku qoran waraaqdan oo ku taariikhaysan 2 Feebaraayo, sida waraaqaha maxkamadda la geeyay ku cad.

Markii Michael uu iska dhago tiray warqaddaas, waalidkii ayaa u qoray waraaq rasmi ah oo uu ka caawiyay qareenkoodu.

“Gurigan waa in aad ka guurtaa” ayaa lagu qoray ogaysiiska oo ay sixiixday hooyadii Rotondo 13kii Feebaraayo.

“Hab qasab ah oo sharciga waafaqsan ayaa si degdeg ah loo adeegsan doonaa haddii aadan guurin meesha lagu gaaro 15 Maarso 2018.

Intaas ka dibna lamaanaha ayaa wiilkooda u soo bandhigay 1,100 oo doolar si uu magaalada ugula qabsado, iyaga oo si cadna u faahfaahiyay dabcigiisa.

“Waxaa jira shaqooyin wali u bannaan dadka taariikh xumada shaqo leh sidaada oo kale, mid ka mid ah qabo, waa in aad shaqaysataa” ayay dheheen.

Bishii Maarso markii ay 30 maraysayna waxaa u caddaatay in wiilkoodu uusan u jeedin in uu guuro.

Bishii Abriil markii la gaarayna waxay tageen maxkamadda magaalada si guriga looga saaro wiilkooda.

Laakiin waxaa loo sheegay maadaama uu Michael qoyska ka mid yahay in ay u baahan yihiin amarka maxkamadda sare si guriga looga raro.

Michael ayaa dacwadda waalidkii ku tilmaamay “aargudasho” wuxuuna maxkamadda ka codsaday in ay tuurto kiiskaas.