Maxay tahay sababta aan ololaha Farmaajo loogu faafin cinwaanada Villa Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay si rasmi ah ugu dhowaaqay inuu mar kale yahay murashax oo uu doonayo muddo xileedkiisii labaad ee Villa Somalia.

Kooxda ololaha doorashada Farmaajo ayaa si xowli ah baraha bulshada kusoo galay 24-kii saac ee lasoo dhaafay, hase yeeshee ma aysan adeegsaneyn baraha bulshada ee Villa Somalia, waxayna ka doorbideen kuwa gaar ah.

Agaasimaha warfaafinta xafiiska ee Farmaajo ayaa Caasimada Online u sheegay inay go’aansadee inay cinwaanada madaxtooyada Villa Somalia badelkeed ay sameeyeen baro cusub iyo inay adeegsadaan kuwa gaarka ee Farmaajo.

Qoraal uu soo saaray agaasime Cabdirashiid ayuu ku sheegay olalaha musharaxnimo ee madaxweyne Farmaajo loo adeegsan doono Twitter; @MarkaleFarmaajo Facebook;@MarkaleMFarmaajo Website: MarkaleFarmaajo.Com.

Agaasimaha ayaa sheegay in maadaama barahaas ay yihiin kuwa dowladeed ay ka doorbideen kuwa ayaga u gaara ah, taasi oo durba ay billaabeen.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa baraha uu ololahiisa doorashada u adeegsanaayo ayaa waxaa ka mid ah cinwaanadii madaxtooyada Puntland, taasoo ka mamnuuc ah in cinwaanada dowladda loo adeegsado musharaxnimada qof shaqsi ah.

Baraha bulshada ayaa si weyn looga dareemayaa ololaha doorashada murashaxiinta qaarkood, waxaana ku loolamaya awoodaha murashaxiinta oo u arka baraha bulshada goobta kaliya ee ay isku muujin karaan, fikradahoodana kusoo bandhigaan si bulshada isaga iibiyaan.