Maxay tahay sababta keentay in Diyaarad UN-Ka leedahay ay diiday in ay qaado Madaxweynaha Puntland?

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ka baaqday safar uu ku tagi lahaa magaalada Dhuusamareeb, kaddib markii diyaarad ay leedahay UN-ka oo ka qaadi laheyd garoonka Gaalkacyo ay diiday in boorsooyin aan la baarin in la saaro diyaaradda.

Arrintaan ayaa loo sababeeyay in ay ka dambeysay in Diyaaradu aysan qaadeyn Boorsooyin aan la baarin maadama horay loo bartay in aan wax baaritaano ah aan lagu sameyn Boorsooyinka ay leeyihiin dadka Madaxda ah.

Saraakiisha Diyaaradda ayaa ku andacooday badbaadada diyaarada inay ka bilaabato dhulka, isla markaana waajib tahay in la baaro agabka ay madaxa wataan.

Hase ahaatee Saraakiisha la socotay Madaxweynaha Puntland ayaa diiday in la baaro agabka ay wataan oo ay ku jireen ciidamo hubeysan.

Mudo isjiid jiid kadib ayaa Diyaarada ay leedahay UN-ka waxa ay go’aan ku gaartay in aysan qaadin Madaxweyne Gaas iyo Masuuliyiinta la socotay ilaa laga baaro Boorsooyinka ay wataan taas oo keentay in Diyaaradu ay duusho iyada oo aan sidin wax rakaab ah.

Dhinaca kale Saraakiisha la socotay madaxweyne Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa iyana diiday in la baaro Boorsooyinka uu wato madaxweyne Gaas iyo Madaxda la socotay.

Sikastaba dhammaan madaxda kala duwan ee tagtay Dhuusa Mareeb ayaa loo diiday in ay hubka la galaan Magaaladaas, in kastoo badankood ay Diyaarad ku tageen waxaana arrintaan ay ku soo aadeysaa xili Maanta Barqadii loo diiday in ay Dhuusa Mareeb galaan Ciidamada Ilaalada gaarka ah ee madaxweyne Farmaajo ee loo yaqaano Koofi-Casta.

Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa uga qeyb galaya magaalada Dhuusamareeb munaasabad lagu mideynayo Maamulada Ahlusuna iyo Galmudug, kaddib markii ay dhamaadkii sanadkii hore ku saxiixdeen Jabuuti heshiis awood qeybsi ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com