Maxay tahay sababta uu maanta Garoowe u aadayo wakiilka QM ee Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wakiilka Q.M. u jooga Soomaaliya Ambassador Micheal Keating  ayaa maanta ku wajahan Magaalada Garowe ee xarunta gobalka Nugaal, sidoo kale ah Xarunta Maamul Gobaleedka Puntland ee Soomaaliya.

Ambassador Keating ayaa la filayaa in Madaxweyne Gaas kala hadli xaalada ka taagan tuulada Tukaraq halkaas oo ay isku horfadhiyaan ciidamo ka tirsan labadda dhinac ee Puntland iyo Soomaaliland.

Sidoo kale Warar kale ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas uu kala soo hadli doono xiisad siyaasadeed oo maalmihii la soo dhaafay u dhaxeysay Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Maamulada Jubbaland iyo Puntland taas oo ka dhalatay hadalo ay dhawaan jeediyeen Axmed madoobe iyo Gaas.

Damaca Keating ayaa ah sidii xal loogu heli lahaa khilaafka Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ee qotoma Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Imaaraatka Carabta oo maraya Heerkii ugu hooseeyay.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Maamulkiisa uu u madax banaan yahay cid waliba oo wax u qabaneysa, isla markaana aanan kala tashaneen Dowladda Federaalka.

Imaaraatka ayaa joojiyay Tababarkii iyo Kaalmadii ay siin jireen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, qeyb kamid ah Ciidamadii Puntalnd ay tababareen waxa uu Madaxweyne Gaas sheegay in aanan u heleen dhaqaalaha ku baxaya, Cid booska Imaaraatka u buuxisana aanan heleen.

Cabdiwali Gaas ayaa ah Guddoomiyaha Dalladda ay ku mideysan yihiin Madaxda Maamul Goboleedyada oo sanadkii tagay looga dhawaaqay Magaalada Kismaayo, waxaana xiligaasi jiray Xiisadaha Wadamada Khaliijka oo intooda badan go’doomiyay Qadar, Dowladda Soomaaliya ayaa xiligaasi qaadatay go’aan dhex dhexaad ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com