Xog cusub: Hoggaamiye iska fogeeyay inuu damiinto Qalbi Dhagax + Sababta

Jigjiga (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Ileey), ayaa la xaqiijiyay inuu diiday damaanada Sarkaalka ONLF Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo dhawaan ay dhiibtay dowlada Somalia.

Cabdi Ileey, ayaa la sheegay in dowlada Ethiopia ay fursad usiisay damaanada Qalbi Dhagax, hase ahaatee uu iska fogeeyay sababo la xiriira cabsi ku aadan in Qalbi Dhagax uu dib ula midoobo garabkiisa ONLF.

Mid kamid ah Saraakiisha dowlad deegaanka Soomaalida oo arrinkaan ka hadlaayay ayaa sheegay in Dowlada Ethiopia iyo Qalbi Dhagax ay is fahmeen, balse mushkilada hadda taagan ay tahay cida damaanan laheyd deysmada Sarkaalka ONLF Qalbi Dhagax.

Sida la xaqiijiyay Hoggaamiye Cabdi Ileey, waxa uu sidoo kale iska fogeeyay in Dowlada Ethiopia uu gorgortan kala galo arrinta Qalbi Dhagax, waxa uuna dalbaday in gabi ahaan laga saaro shaqsiyaadka loo xilsaaray arrinta Sarkaalka.

Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in Cabdi Ileey uu fursad dhanka damaanada ah usoo bandhigay mas’uuliyiin iyo Ganacsato kasoo jeeda dhulka Dowlad deegaanka Soomaalida, si ay fursadaasi uga faa’iideeyan Qalbi Dhagax, hase ahaatee waxaa shaki ku jira in Qalbi Dhagax uu damaanad ka heli doono Maamulka iyo shaqsiyaadka caanka ah ee kasoo jeeda dhulka DDSI.

Sababta Cabdi Ileey uu kaga meermeerayo damaanada Qalbi Dhagax, ayaa la sheegay in muddo dhowr jeer ay ku kala booden heshiisyo ay kala galeen, taa oo iminka u muuqaneysa mid looga aamin baxay Qalbi Dhagax.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Ethiopia iyo Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhawaan isla fahmay in Qalbi Dhagax lasii daayo, hase ahaatee deysmadiisu ay tahay mid u muuqaneysa in lagu xiray damaanad.

Caasimada Online

Xafiiska Jigjiga

Caasimada@live.com