Sawirro: Somaliland oo soo bandhigtay ciidamo badan oo ka goostay Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa soo bandhigay ciidamo la sheegay inay ka goosteen maamulka Puntland, kadib markii ay sheegteen dhibaatooyin badan.

Ciidamadan oo tirro ahaan lagu sheegay 130 ayaa waxaa lagu soo bandhigay deegaanka lagu Magacaabo Wirwir oo ay ka taliso Somaliland.

Ciidamadan ayaa inta aysan u goosan maamulka Somaliland xiriir la sameeyay Saraakiisha maamulka ee ka howlgala deegaanka Wirwir, waxaana sidaa kusoo goostay ciidamada.

Ciidamada ayaa watay Hub u badan nooca AK47 iyo rasaas, waxaana sidaa ku aqbalay maamulka Somaliland, waxa ayna dhankooda ka sheegteen in xilligan ay ka mid yihiin Ciidamada Soomaaliland.

Puntland ayaa dhawaan sheegtay inay qaabishay ciidamo kasoo goostay maamulka Somaliland, inkastoo aysan keenin sawiro ama muuqaalo muujinaaya ciidamada u goostay.