Maxay yihiin 10-ka sharci ee Qoor Qoor ku saxiixay Dhuusamareeb? (Aqriso)

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxwaynaha  Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, ayaa maanta ayaa maanta saxiixay hindise sharciyeedyo ay horay u meel mariyeen Golaha Wasiirada iyo Baarlamaakna Galmudug.

Madaxwayne Qoor Qoor ayaa sharciyadan ku saxiixay munaasabad ay ka soo qeyb galeen golayaasha Galmudug oo maanta ka dhacday madaxtooyada maamulkaas ee Dhuusamareeb.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qeyb galay xildhibaano iyo wasiiro katirsan dowladda Galmudug, xildhibaano katirsan labada gole ee dowladda Federaalka iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo dhamaantood goobjoog u ahaa saxiixa sharciyadaan.

Sharciyada uu maanta sixiixay madaxwayne Qoor Qoor ayaa waxaa kamid ahaa degmo u aqoonsida Xeraale, waxaana ay gaarayaan sharciyada la saxiixay illaa iyo toban sharci, kuwaas oo kala ah;

1- Sharciga Kalluumaysiga

2- Sharciga Nidaaminta Magaalooyinka

3- Sharciga Ujrooyinka Kalluumaysiga

4- Sharciga Shirkadaha

5- Sharciga Nootaayada

6- Sharciga Degmaynta Xeraale

7- Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah

8- Sharciga Shaqaalaha Guud

9- Sharciga Biyaha

10- Sharciga Golaha Adeegga Garsoorka.

Dhanka kale Madaxwayne Qoor Qoor oo hadal ka jeediyey munaasabadii uu sharciyadaan ku saxiixay ayaa ka hadlay arrimaha doorashada, waxaana uu sheegay in kuraastii taallay caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb lasoo gaba-gabeeyay, lana bilaabayo kursaasta taalla magaalada Gaalkacyo.

Ugu dambeyntii Madaxwaynaha Galmudug ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in laba todobaad lagu daray waqtigii doorashada loo qabtay, kadib kulan oo ay yeesheen guddiga doorashooyinka qaran ee heer Federaal, isagoona xusay in uu rajeenayo in kuraasta taalla Gaalkacyo doorashadooda lagu soo gaba-gabeen donno laba todobaad.