Sidee kursiga ku helay Macalimuu, siyaasad ahaana yuu ku tiirsan yahay?

Beledweyne (Caasimada Online) – Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa berri ka mid noqonaya xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Macalimuu oo isagoo dhaawac ah tartanka u soo istaagay ayaa heysta taageerada shacabka, tan beeshiisa, mida maamulka HirShabeelle, tan bahda saxaafadda, mida hey’adaha sare ee dowladda iyo tan mucaaradka.

Kursiga Macalimuu waxuu u muuqdaa kan taageerada ugu badan ka heysta Soomaalida oo dhan, markii loo eego kuraasta taalla HirShabeelle, shan jeer ayuu Macalimuu ka bad-baaday weerarro ay caasimadda Muqdisho ka fulisay kooxda Al-Shabaab.

Waxuu mar kale ku adkeysanayaa inuu noqdo adeege qaran oo aan ka naf doorsan dadkiisa, waxuu ku jiraa dadka faro ku tiriska ah ee heli kara inay ku noolaadaan meel ka nabdoon Soomaaliya.

Macalimuu ayaa ku adkeysanaya inuu ka sii shaqeeyo magaalada Muqdisho iyo inuu gacan ka geysan karo abuuridda Soomaaliya sidaan dhaanta.

Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa kasoo shaqeeyey dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, cayaaraha iyo saxaafadda, waxuuna dhawaan doortay inuu si siyaasi ah ugu adeego dalka.

Hadda waa Afhayeenka XFS, doorashada kursigiisa waxay ka dhici doontaa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, inta aan la gaarin doorashadiisa berri waxaa jira su’aalo la is weydiinayo.

Su’aalahaas waxaa ka mid ah, sida uu Macalimuu ku helay kursiga, maadaama ay sanadkaan adkaadeen kuraastu? aragtidiisa siyaasiga ah iyo kooxda gadaal ka taagan.

Waxaan ku hor mareynaa su’aasha ah yaa siiyey kursiga?

Qofka ugu weyn ee looga mahadceli karo kursiga la siinayo Macalimuu waa hoggaamiya HirShabeelle Cali Guudlaawe, kaas oo la sheegay inuu tuuray dhamaan musharaxiintii kale ee raadinaayey kurigaan, isagoo banaanka u soo istaagay qadiyadda Macalimuu.

Musharaxiinta xilka Madaxweynaha qaar iyo xubno ka tirsan Villa Somalia ayaa kursigaan u watay dad kale, qaar waxay rabeen in kursigaas laga dhigo qoondo Dumar, laakiin Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa la sheegay inuu go’aansaday, in kursigaas uu siiyo Macalimuu.

Waxaa kaloo aad loo bogaadiyey abaabulka iyo aragtida reerka kursigaan iska leh, kuwaas oo sida la sheegay isku raacay in Macalimuu aan tartan la gelin.

Yuu Macalimuu siyaasad ahaan ku daaban yahay ama codkiisa uu sii doonaa?

Maxamed Ibraahim Macalimuu inkastoo uu yahay nin saaxiibo badan, hadana siyaasad ahaan waxaa lagu tilmaamaa nin madax-banaan oo koox gooni ah aysan sheega karin.

Hadii hoos loo sii galo, hadda waxuu siyaasad ahaan aad ugu dhowyahay hoggaamiyaha HirShabeelle Cali Guudlaawe iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

In Macalimuu lagu dhex arko xildhibaanada golaha shacabka waxay ka dhigan tahay, inaad arkeyso aragti Soomaaliyeysan oo aan shakhsi daba fadhin.

Berri bahda saxaafadda Soomaaliya waxay u tahay maalin weyn, dadka garashada u saaxiibka ah ayaa si weyn u bogaadiyey hoggaamiyaha HirShabeelle Cali Guudlaawe, kaas oo jawaab munaasab ah ka bixiyey dareenka dadkii codsanaayey in Macalimuu la maamuuso oo kursiga la siiyo.