Maxkamada ciidamada oo baaris ku bilowday qalab ciidan oo laga xaday xerada tababarka ee Balli-doogle

Balli-doogle (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaalya, xeer-ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida iyo saraakiil baarayaal ah ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa xerada tababarka ciidamada gaarka ah ee Danab ee Bali-Doogle.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute iyo saraakiishaan kale ay u tegay halkaas baaritaan lagu sameynayo agab ciidan oo la wayay.

Agabkan ayaa waxaa in la waayey soo sheegay saraakiisha cidiamada, mana cadda illa aiyo hadda cidda ka dambeysay.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ayaa shaaca ka qaaday natiijada baaritaanka agabkan la xaday iyo maxkamadaynta ay ka dhici doonto xerada dhexdeeda, waxaana uu sheegay in Bali-doogle uu joogayo qof dambi la’aan ah, hadii kalana Muqdisho loo qaadayo qof Xukuman.

Dhinaca kale, is-beddel xagga dhismaha iyo hoggaanka lagu sameeyay ciidamada Danab ee ku jira Saldhigga Bali-doogle ee gobolka Shabeellaha hoose.

Xeer Illaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in uu bilawday isla xisaabtan oo marnaba aan leysku deyn doonin in la dayaco Agabka Ciidamada, isla markaana Ciidamada Danab aan laga fileyn wixii halkaasi ka dhacay.

Saraakiisha Ciidamada Danab ayaa sheegay dayacaada halkaasi ka dhacday in la isugula xisaabtami doono.