Xukuumadda Soomaaliya oo illaa amar dambe joojisay qorista shaqaale cusub

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qoraal kasoo baxay Guddiga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka ee dowladda  Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kaddib amar kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ilaa Amar-dambe lagu joojiyey qorista Shaqaale Cusub oo ay qaadaneyso Dowladda Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo ku taariikheysnaa 24-ka bishan November laguna socodsiiyay dhammaan hey’addaha dowladda ayaa lagu wargeliyay in aan la qori karin illaa amar dambe shaqaalaha isku bedelka ee ka yimaada Hey’addaha iyo wasaaradaha ee leh qoondo miisaaniyadeed iyo kuwa aanan laheyn intaba.

Sidoo kale Go’aankaan oo ah mid kumeel gaar ah ayaa Hay’adaha Dowladda iyo Wasaaradaha waxaa lagula socod siiyey in dib loogu soo sheegi doono xilliga ay munaasibka noqoto in dib loo bilaabi karo qorista Shaqaalaha.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa socday tirakoob ku socday shaqaalaha Hey’addaha dowladda, taasoo ah markii labaad oo dowladdu ku sameyso diiwaan gelin shaqaalaha rayidka ee wasaaradaha iyo hey’adaha dowladda.

Go’aankaan kasoo baxay  Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka ee dowladda  Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan Golaha Wasiiradda Soomaaliya ay ansixiyeen  miisaaniyadda sanadka 2020 oo gaareysa $459.5 Milyan.