Wararkii ugu dambeeyey ee go’aanka laga filayo maxkamadda sare KENYA

Nairobi (Caasimada Online) – Maxkamadda ugu sarreysa ee dalka Kenya ayaa lagu wadaa in ay maanta ku dhawaaqdo go’aanka natiijadii doorashada madaxweynaha ee uu u gudbiyay raysul wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga.

Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, oo markii shanaad isku dayaya inuu madaxweyne noqdo, ayaa sheegay in guushii dirqiga ahayd ee madaxweyne ku-xigeenka William Ruto ay ahayd natiijada ku timid ku shubasho.

Afar ka tirsan toddobada xubin ee guddiga doorashada ayaa qaaddacay natiijada uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Wafula Chebukati, iyagoo sheegay in tirinta codadku ay ahayd mid mad madow uu ku jiray.

Maxkamadda ugu sarreysa Kenya ayaa taariikh sameysay doorashadii sanadkii 2017, iyadoo laashay guushii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ka guuleystay Odinga, iyadoo sababta ku sheegtay in khaladaad ay ka jireen hannaanka doorashada.

Maxkamadda ayaa xilligaas amartay in doorasho ku celis ah la qabto, balse waxaa diiday in doorashadaas ku celiska ah uu ka qeyb galo Raila Odinga. Tiro dad ah ayaa sanadkaas dhexdiisa ku dhintay isku dhacyo ka dhashay doorashada.

Doorashadii dhoweyd, dibadbaxyo yar ayaa ka dhacay dhowr meel oo ay ku xooggan yihiin taageereyaasha Odinga, kaddib markii guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Kenya uu ku dhawaaqay guusha Ruto 15-kii bishii aanu soo dhaafnay ee Agoosto. Balse, Raila Odinga ayaa taageereyaashiisa u soo jeediyay inay nabadda ilaaliyaan, wixii intaa ka dambeeyayna xaaladdu way deggeneyd.

Raila Odinga, oo doorashadan taageero ka helayay madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay in koox u shaqeyneysay Ruto ay farageliyeen hannaanka guddiga ee online-ka ah, ayna wax is daba marin sameeyeen.

Odinga iyo 4 xubin oo ka tirsan guddiga doorashooyinka ayaa sidoo kale guddoomiyaha guddiga Wafula Chebukati ku eedeeyay inuu carqaladeeyay sharciga guddiga iyagoo sheegay inuu iska sii watay tirinta codadka iyo ku dhawaaqidda natiijada.

Tirada rasmiga ah ayaa muujineysay in Ruto uu helay 50.49%, taas oo ku filneyd in uusan gelin doorasho ku celis ah. Ruto iyo Chebukati ayaa ka hor yimid dhammaanba eedeymahaas loo soo jeediyay.

Kooxda sharciga ee Ruto ayaa beenisay sheegashooyinka Odinga, iyagoo sheegay inaan wax caddeymo ah loo heyn eedeyntooda.

Muxuu noqon karaa go’aanka maxkamadda?

Maxkamadda oo maanta lagu wado inay ku dhawaaqdo go’aankeeda kama dambeysta ah ayaa waxaa uu go’aankooda noqon karaa labo midkood:

1- In ay maxkamaddu laasho natiijada, isla markaana ay amarto in muddo 60 maalin gudahood ah doorasho ku celis ah lagu qabto.

2- Go’aanka kale ee ay garsooreyaashu gaari karaan ayaa ah in ay taageeraan natiijadii uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga doorashada, isla markaana madaxwaynaha la doortay oo ah William Ruto xilka loo dhaariyo toddobaadka soo socda.

Kenya ayaa ah dal xulafo la ah dalalka Reer Galbeedka, kuna yaalla gobol ay xasarado ka jiraan. Waxay ciidamo nabad-ilaalin ah u dirtay dalalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo. Waxay sidoo kale saldhig u tahay shirkado iyo ururro caalami ah.

Sanadkii 2007, ilaa 1,200 oo qof ayaa ku dhimatay rabshado ka dhashay doorashadii sanadkaas oo ay isugu soo hareen madaxweynihii geeriyooday ee Mwai Kibaki iyo Raila Odinga, taasoo guusha ay ku raacday Kibaki.

BBC