Weeraro mindiyeyn ah oo dad badan lagu laayey oo ka dhacay dalka Canada

Toronto (Caasimada Online) – Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay 15 kalena waa lagu dhaawacay weeraro mindiyeyn ah oo ka dhacay laba deegaan oo baadiye ah oo ku yaalla dalka Canada Axaddii, waxaa sidaas sheegay booliska oo billaabay ugaarsiga laba tuhunsane.

“Waxaan meydadka 10 qof oo la dilay ka helnay 13 goob oo ku yaalla deegaanada James Smith Cree Nation iyo Weldon ee gobolka Saskatchewan,” waxaa sidaas tiri kaaliyaha madaxa booliska gobolka Rhonda Blackmore oo shir jaraa’id qabatay.

“Waxaa sidoo kale la dhaawacay dhowr qof oo kale oo 15 ka mid ah illaa hadda la dhigay isbitaallo kala duwan,” ayey tiri. 

“Waxaan raadineynaa laba tuhunsane… waxaana baareynaa goobo dambiyeeydyo kala duwan.”

Blackmore ayaa sheegtay in booliska markii ugu horreysay lasoo wacay abaare 5:40 am loona sheegay in mindiyeyn ay ka dhacday deegaanka James Smith First Nation kadibna ay xigeen wicitaano dheeri ah oo ku saabsan mindiyeyn.

Waxa ay intaas ku dartay in mas’uuliyiinta ay rumeysan yihiin “in qaar ka mid ah dhibanayaasha la bartilmaameedsaday, halka kuwo kalena si aan kala sooc laheyn loo weeraray.”

Booliska ayaa labada qof ee la tuhunsan yahay magacyadooda ku sheegay Damien Sanderson iyo Myles Sanderson, waxayna intaas ku dareen inay ku safrayeen gaari madow oo ah nooca Nissan Rogue.

“Illaa hadda ma naqaan jihada ay u safreen,” ayey tiri Blackmore oo sheegtay in heegaan la geliyey gobolka weerarada ay ka dhaceen ee Saskatchewan iyo labada gobol ee deriska la ah ee Alberta iyo Manitoba.

Booliska ayaa sidoo kale baaraya xiriirka ka dhaxeeya labada qof iyo haddii ay yihiin dad horey ugu jiray diiwaanka booliska.