Maxay tahay ujeeddada markabka dagaal ee Turkigu leeyahay ee gaaray Israel?

Haifa (Caasimada Online) – Markab dagaal oo uu leeyahay dalka Turkigu ayaa markii ugu horraysay muddo ka badan toban sano wuxuu ku xirtay dekedaha Israel, arrintan oo astaan u ah inuu soo hagaagayo xiriirka u dhexeeya Israe iyo Turkey.

Markabkan oo lagu magcaabo TCG Kemalreis ayaa Axaddii wuxuu ku xirtay dekedda Haifa ee ku taalla dhinaca Woqooyi ee Israel, oo xarun u ah ciidanka Badda Israel, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee AFP.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israel ayaa sheegay in markabkani uu ka tirsan yahay hawlgalka isbahaysiga NATO, isaga oo ku jira mid ka mida hawlihiisa shaqo ee caadiga ah.

Wasaaradda Difaaca ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in markabkani uu ku sugnaan doono dekedda Haifa illaa iyo maalinta Talaadada ee toddobaadkan.

Kadib sannado badan oo uu xumaa xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Israel, bishii August 17-keedii ee sannadkan ayaa labada dal waxay ku dhawaaqeen in si buuxda loo soo celiyey xiriirkoodii diblomaasiyadeed iyo weliba safiiradii kala fadhiyey Ankara iyo Tel Aviv.

Waa markabkii dagaal ee ugu horreeyey ee ku xirta dekedaha Israel tan iyo sannadkii 2010-kii.

Xiriirka Israel iyo Turkey ayaa gebi ahaan burburay 2010 kadib markii 10 qof ay ku dhinteen weerar ay Israel ku qaaday Markab Turkish ah oo lagu magacaabo Mavi Marmara oo gargaar u sida Gaza, kaasi oo isku dayey inuu jebiyo xannibaad ay Israel kusoo rogtay.

Heshiis la gaaray 2016 oo dib loogu soo celiyey safiirrada labada dal ayaa burburay 2018, kadib markii 200 oo dadka Gaza ah ay toogasho ku dileen ciidamada Israel xilli ay dibadbax dhigayeen.

Madaxweynahga Israel Isaac Herzog ayaa booqasho taariikhi ah ku tegay Ankara bishii March, halkaasi oo uu kula kulmay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo kulanka ku qeexay “Marxalad isbeddel u ah xiriirka labada dal.”

AFP + VOA