24.2 C
Mogadishu
Tuesday, January 13, 2026

Beledweyne: Dhimashada oo sii korortay iyo dagaal weli socda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Dagaal qaraaran oo wali ka socda deegaano hoostaga magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Sida aan wararkeena hore ku sheegnay dagaalka ayaa u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed oo Magaalada wada dega, iyadoo dagaalkaan saaka qarxay uu daba socdo dagaalkii shalay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu xoogan yahay ,islamarkaana rasaas culus leysku adeegsanaayo.

Xaafadaha qaar ayaa waxaa ku dhacaaya rasaas habaw ah oo ay ridayaan labada dhinac ee uu dagaalka u dhexeeyo.

Mid kamid ah dadka deegaanka ku ah Xaafada Howlwadaag ee magaalada Beledweyne ayaa sheegay in dagaalka hadda socda uu yahay mid ka xoogbadan dagaalkii shalay islamarkaana dhinacyada dagaalamaya ay isku adeegsanayaan hubka culus oo dhawaqiisa aad loo maqlaayo.

Waxa uu sheegay in dadka ku nool xaafada Howlwadaag ay xaaladu ku adag tahay islamarkaana ay isugu darsoontay fatahaada wabiga iyo dagaalka dushooda ka socda.

Labadan Maleeshiyo beeleed ayaa dhowr mar ku dagaalamay magaalada Baledweyne, waxaana soo kala gaaray Khasaarooyin kala duwan.

Dhimashada labada dhinac ayaa iminka gaareysa ilaa Afar ruux, halka dhaawacana uu yahay mid wadooyinka daadsan oo saameyn ba’an ku yeeshay labada dhinac iyo dadka deegaanka.

Dhanka kale, maamulka degmada iyo ciidamada AMISOM ayaa ku guul dareystay daminta dagaalka socda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News