25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Meydka 2 qof oo laga helay Afgooye

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Afgooye (Caasimada Online) –Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaas maanta lagu arkay meydka labo nin oo la sheegay in la dilay.

Ragga la dilay ayaa ka mid ahaa darawalada ka shaqeeya Muqdisho iyo Afgooye, waxaana la sheegay in shaley la afduubtay dabadeedna meydkooda la soo dhigay meel u dhow goobta laga soo afduubtay.

Dadka reer Afgooye ayaa aad uga naxay dilka labadan nin waxaana ay ku baaqeen in la soo qabqabto dadka la dilay.

Dhinaca kale, daralada ka xeeya baabuurta isaga kala goosha Muqdisho iyo Afgooye ayaa ka cabanaya isbaarooyin teed waddadaas taasoo ay lacago baad ah ku qaataan rag xiran dharka ciidamada dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa horrey u sheegtay in ay wax ka qaban doonto isbaarooyinka yaalla Waddada xiriirisa Afgooye iyo Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News