Mid kamid ah garsoorayaashii kiiska Somalia iyo Kenya oo dhintay – Maxaa isbedelaya?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – James Richard Crawford oo ka mid ahaa garsoorayaashii dhageystay kiiska dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya ee Maxkamadda ICJ ayaa geeriyooday.

Crawford, oo dhashay 14-kii November 1948-kii, ayaa garsoore ka ahaa maxkamadda ICJ, tan iyo Febraayo 2015, waxaana uu kursiga sii fadhin lahaa illaa Febraayo 2024.

Bayaan kasoo baxay Maxkamadda ICJ ayaa lagu sheegay in garsoorahan u dhashay dalka Australia uu geeriyooday 31-kii May.

Crawford ayaa ka mid ahaa 15-ka garsoore ee dhageystay kiiska Soomaaliya iyo Kenya, oo Muqdisho ay isku dayeyso inay Kenya uga soo ceshato dhul badeed ka badan 100,000 oo isku-wareeg km ah oo Nairobi ay dooneyso inay boobto.ย 

Geeridiisa ayaan la fileyn inay wax saameyn ah ku yeelato kiiska, ayada oo garsoorayaasha ay goor-horeba qoreen kana tageen goโ€™aankooda. Sidoo kale, goโ€™aanka Maxkamadda ayaa lagu saleeyaa aqlabiyad.ย 

Goโ€™aanka Maxkamadda ayaa hadda sugaya kaliya in lagu dhowaaqo, waxaana taas la filayaa gudaha sanadkan.

Dowladda Kenya ayaa diiday inay ka qeyb-gasho dhageysi oraaheedkii dacwadda ee dhacay 15-18 March, inkasta oo ay hab qoraal ah ay dooddeeda u gudbisay.

Goโ€™aan kasta oo kasoo baxay Maxkamadda ICJ ayaa ah mid kama dambeys ah, oo aan dib loogu laabaneyn, mana lahan wax racfaan ah, ama maxkamad kale oo lala aadi karo.

- Advertisement -

Read more

Local News