Midawga Yurub iyo UK oo heshiis taariikhi ah ka gaaray arrin in badan taagneyd

London (Caasimada Online) – Midowga Yurub iyo Dowladda Britain ayaa xalay heshiis cusub ka gaaray muran in muddo ah soo socday oo ku qotoma ka bixistii uu Ingiriisku ka baxay Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Britain Rishi Sunak ayaa heshiiskaas ku tilmaamay ‘mid taariikhi ah iyo horumar la taaban karo’, kaasi oo ilaalinaya madax-bannaanida dadka Woqooyiga Ireland oo qeyb ka ah boqortooyada Britain.

Heshiiskan cusub ayaa u muuqda mid Woqooyiga Ireland ka qaadaya culeysyada soo wajahay wixii ka dambeeyay markii Britain ay ka baxday Midowga Yurub.

Dhinaca kale, Maxamed Nuur Qalimoow oo ka faallooda arrimaha Yurub oo la hadlay VOA ayaa sharaxaad ka bixiyay heshiiskan taariikhiga ah, isaga oo sheegay in muddo badan uu qaatay in labada dhinac isla qaatan.

“Heshiiskan waa mid muhiim ah oo muddo badan ayaa wada-hadal looga jiray oo la isku hor-fadhiyay, waa heshiis aad loo sugayay si arrinta ugu dambeysa ee xuduudka ah loo fasaxo,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in heshiiskan uu meesha ka saarayo culeyskii iyo caqabadihii ganacsi ee ka jiray labada dhinac, taasi oo si weyn loo adkeeyay markii uu Britain ka baxday Midowga Yurub.

“Badeecada Ingiriiska ka imaanaya in meesha looga saaro canshuurihii iyo shuruudihii ka gadaal yimid markii uu ka baxay Midowga Yurub, oo badeecada isku socoto, lagana daayo inay u eekaato qaab xuduud ah oo lagu kontaroolayo badeecada labada dhinac u kala socota, faa’iido weyn ayay dhinacaas ku qabaan Waqooyiga Ireland.”