Milatariga Somaliland oo ku hanjabay in dib ay u qabsanayaan Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Taliska guud ee ciidamada milatariga Somaliland ayaa war cusub kasoo saaray xiisadda dagaal ee ka taagan gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood iyo deegaanka Tukaraq oo ay ka socdaan dagaallo cul culus.

Abaanduulaha ciidanka milatariga Somaliland, Faysal Cabdi Bootaan oo warbaahinta kula hadlay jiida hore ee dagaalka ayaa marka hore ka hadlay sababihii ay uga baxeen difaacyadii ay dhowaan soo banneeyeen ee ku yaalla Tukaraq iyo Laascaanood, waxaana uu tilmaamay inay aheyd arrin farsamo iyo xeelad milatari oo ay dageen, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxay u qaateen shalay markii aan farsamo xeelad dagaal uga baxnay Tukaraq in ciidamadii qaranku iska guureen hadda dagaalka waxa uu marayaa deegaanka Diyaaradda,” ayuu yiri Abaanduulaha ciidanka milatariga Somaliland, Faysal Cabdi Bootaan.

Sidoo kale waxa uu ku hanjabay inay markale dib ugu laaban doonaan oo ay qabsan doonaan Laascaanood, si markale loogu soo celiyo gacanta Somaliland.

“Waxaa ballan ah inaan difaacno Laascaanood oo ay sidii ay ahaan jirtay ahaato oo ay kusoo noqoto qaranimadii gacanta Somaliland,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Bootaan ayaa markale ku celiyay in Laascaanood ay kula dagaalamayaan argagixiso iyo ciidamada Puntland oo is garabsanaya, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidanka qaranka, Laascaanood waxaa kula dagaalamayo ma’aha cid kale  waa argagixiso iyo ciidankii Puntland oo is garabsanaayo,” ayuu markale yiri Abaanduuluhu.

Xaaladda Laascaanood ayaa weli kacsan, waxaana dagaalka uu galay maalintii 22-aad, kaas oo haatan ka socda bariga magaaladaasi, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Si kastaba, Khasaaraha ayaa marba marka ka dambeysa sii kordhaya, waxaana dhimashada ay kor u dhaaftay 150 qof, halka dhaawacana uu marayo 600 oo kale.