Xog ku saabsan xiisad ka taagan degmada Baraawe

Baraawe (Caasimada Online) – Xiisaddan ayaa ka dhalatay, ka dib markii Xubnaha Golaha Deegaanka ee Degmada Baraawe ay mooshin ka gudbiyeen Gudoomiyaha Degmada, Liibaan Abuukar Cismaan (Baafo), kaas oo ay ku eedeeyeen wada shaqayn la’aan.

Wararka ayaa sheegaya in mooshinka ay saxiixeen saddex meelood, laba meel oo ka mid ah Xubnaha Golaha Deegaanka, oo ka kooban toddobo iyo labaatan xubnood.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegay in mooshinkaasi loo gudbiyay, laguna wareejiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, Cabdullaahi Xaaji Xasan.

Wasiirka oo 20-kii bishan gaaray degmada Baraawe ayaa tan iyo xilligaasi ku sugan degmadaasi, isagoona xal u raadinaya xiisadda siyaasadeed ee degmadaasi ka soo korortay.

Mooshinka kalsooni kala noqoshada ee Gudoomiyaha ayaa lagu sheegay inaanu wax wada shaqayn ahi la lahayn Labadiisa ku-xigeen, ee kala ah Ismaaciil Cabdullaahi Jaadane iyo Sahra Abuukar Cali, isla-markaana uu xafiis ka dhigtay, kuna shaqeeyo hoygiisa.

Xiisaddan ayaa cirka isu shareertay, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Gudoomiye Liibaan uu u hanjabay xubnaha ka soo horjeeda.

Xubnaha mucaaradsan Maamulka Gudoomiye Baafo ayaa dalbanaya in cod loo qaado, haddii uu xafiiska sii joogayo iyo haddii kaleba.

Baafo ayaa xilka loo doortay 10-kii bishii November ee sanadkii 2021, ka dib doorasho ka dhacday degmadaasi.