Midowga Afrika oo bayaan deg deg ah kasoo saaray xoreynta Aadan Yabaal

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Afrika ee ATMIS ayaa ugu hambalyeeyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed qabsashada degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

War-saxaafadeed kasoo baxay howl-galka ATMIS ayaa waxa lagu sheegay in degmada Aadan Yabaal aheyd xarun muhiim u ah argagixisada, qabsashadeedana ay muujineyso in howl-galada socda ay awood u leeyihiin ciribtirka Al-Shabaab.

“Waxa aan bogaadineynaa geesiyaasheenna ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada oo howl-gallada milatari ee soconaya ku muujyey in ay awood u leeyihiin in jab culus oo aan soo kabasho lahayn ay Al-Shabaab ku gaarsiiyaan godadkooda,” ayuu yiri Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika Danjire Maxamed Al-Amiin Seyf.

Sidoo kale waxa lagu sheegay bayaanka kasoo baxay ATMIS in ay sii wadi doonaan kala shaqeynta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalkooda ka dhanka ah argagixisada, si amni iyo xasilooni loogu soo dabaalo guud ahaan dalka.

“Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ATMIS ee Taliska Koowaad ayaa ku taageerayey duqeymaha cirka ee aadka loogu baahnaa iyo daad-gureynta dhaawacyada, intii howl-galladaan socdeen oo dhan, si ay u taageeraan ciidamada xooga dalka ee dhulka ka dagaalamaya,” ayuu yiri Taliyaha KMG ee ATMIS, Sareeye Guuto Keith Katungi.

Taliyaha ayaa hadalkiisa sii raaciyey “Si wadajir ah, ayaan u jabin doonnaa ugana adkaan doonnaa Al-Shabaab.”

Ciidamada huwanta ah ayaa hadda si buuxda gacanta ugu haya Aadan Yabaal, waxaana lagu waramayaa in uusan wax dagaal ah ka dhicin magaalada kadib markii ay ka carareen Al-Shabaab.