Midowga Afrika oo war culus ka soo saaray xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Nabadda iyo Ammaanka (PSC) ee Midowga Afrika (AU), ayaa kulankoodii 1192-aad ee qabsoomay maanta waxay kaga hadleen xiisadda u dhaxaysa dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaana shirkii maanta ka soo baxay war-saxafadeed lagu cadeeyey mowqifka golaha.

Kulankii Golaha ugu horeyn maanta lagu dhegaystay warbixin ay soo jeediyeen Danjire Cabdullahi Warfa, Wakiilka Joogtada ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Midowga Afrika iyo Danjire Ayele Lire, Wakiilka Joogtada ah ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya ee Midowga Afrika.

“Goluhu wuxuu soo dhaweeyay hadalkii Moussa Faki Mahamat, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, oo cadeeyey 3-dii Janaayo 2024, sida ay lagama maarmaanka u tahay in la ixtiraamo midnimada, wadajirka dhuleed iyo madax-bannaanida dhammaan dawladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika, oo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Itoobiya,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay galaha AU.

Midowga Afrika ayaa walaac xooggan ka muujiyey xiisadda ka dhex aloosan Itoobiya iyo Soomaaliya, kadib markii maamulka Somaliland uu 1-dii Bishaan Itoobiya u saxiixday Heshiis la damaaciyey in bad lagu siiyo Itoobiya, balse dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay si adag uga hor tageen qorshahaas.

“Isfahamka (MoU) ee u dhexeeya Itoobiya iyo gobolka waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) 1dii Janaayo 2024 iyo saamaynta xun ee ay ku yeelan karto nabadda, amniga iyo xasilloonida gobolka. Goluhu, isagoo raacaya qodobka 4-aad ee xeerka dastuuriga ah ee Midowga Afrika iyo qodobka 4-aad ee hab-maamuuska. Aasaaska Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, iyo sidoo kale Axdiga Qaramada Midoobay, waxay si aan leex leexleexad lahayn u xaqiijiyeen inay ka go’an tahay iyo taageerada ay u hayaan ilaalinta Dhammaan Dawladaha Xubnaha ka ah, oo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Itoobiya,” ayaa lahu yiri bayaanka.

Goluhu wuxuu baaq u diray Itoobiya iyo Soomaaliya waxaana laga dalbaday in ay u hoggaansamaan oo lagu hago mabaadi’da asaasiga ah ee Midowga Afrika iyo sharciga caalamiga ah ee ku jira.

“Goluhu wuxuu ku dhiiri galiyay dowladda Itoobiya inay u hoggaansanto deris-wanaagga, saaxiibtinimada iyo wadajirka ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo in ay ka fogaato falal kale iyo odhaahyo saamayn taban ku yeelan kara kuwa xoogga leh. Sidaas darteed Goluhu wuxuu baaq u diray JamhuuriyadahaSoomaaliya iyo Itoobiya,” ayaa lahu yiri warkaan ka soo baxay AU.

Golaha ayaa ka codsaday Guddoomiyaha Komishanka Midowga Afrika in uu si degdeg ah u hawlgeliyo Ururka Sare ee Midowga Afrika, Wakiilka Geeska Afrika, Madaxweynihii hore ee Nigeria, si uu u kobciyo wada-xaajoodka labada dal.

Ugu dambeyntii golaha ayaa bayaanka ka soo baxay shirkii maanta ku soo dhaweeyey qabashada shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee dalalka IGAD oo 18-ka Janaayo oo berri ah ka dhacaya dalka Uganda.