Militariga Sudan oo Cumar Al-Bashiir u sheegay in uusan madaxweyne aheyn

Khartoum (Caasimadda Online) – Militariga Dalka Suudaan ayaa Waraaq gaarsiiyey Madaxweynaha uu mustaqbalkiisa halista ku jiro ee Cumar Al-Bashiir.

Militariga ayaa Al-Bashiir u sheegay inaan loo aqoonsaneyn inuu yahay Madaxweynaha Suudaan.

Wakaaladda Wararka ee Faransiiska oo soo xiganeyso dad goobjoogayaal ah ayaa sheegtay inay Ciidamada Militariga la wareegeen qeybaha ugu muhiimsan ee dalkaas sida Xarunta Wasaaradda Difaaca, Guriga uu dagan yahay AL-Bashiir, Jidadka ugu muhiimsan iyo Garoonka Diyaaradaha.

Waxaa kulan u socdaa Sarakiisha ugu sareyso Ciidamada Militariga, Booliska iyo Nabad sugidda, waxayna ka tashanayaan cidda loo dhiibo doono Xilka.

Ciidamada Militariga ayaa xiray Cabdiraxiim Maxamed  Xuseen oo aad ugu dhawaa Al-Bashiir, Cusmaan Maxamed Daahaa oo ahaa ku xigeenkii hore ee Al-Bashiir ,  Axmed Maxamed Haaruun Guddoomiyaha Xisbiga Talada hayo iyo Cowd AL-Jaaz oo ah nin ku takhasusay Maamulka iyo Dhaqaalaha.

Dibadbaxyada looga soo horjeedo madaxweyne Cumar Al Bashiir waxay socdeen tan iyo bishii Diseembar ee sannadkii lasoo dhaafay

Waxay ka bilaawadeen markii sicir barar uu dalkaasi ka dhacay balse dadka dibadbaxa wada ayaa ugu baaqaya madaxweynaha inuu xilka ka deggo.

Dadka horkacaya dibadbaxa ayaa doonayaa inay wadahadallo la yeeshaan militariga si loo sameeyo dowlada kumeel gaar ah.

Cumar Al Digier oo kamid ah xubnaha sare ee hormuudka ka ah bannaanbaxa ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in tan iyo toddobaadkii lasoo dhaafay ay doonayaan inay gaaran tallaabada xigta ee looga dhabeenayo dantii laga lahaa kacdoonka.

Shalay, afahayeen u hadlay booliska Suudaan ayaa ku baaqay ‘in la gaaro heshiis horseedi karo in si nabad ah xilka lagu wareejiyo’.

Dadka u doodo xuquuqul insaanka ayaa ku eedeeyay dowladda Suudaan inay awood xaadh dhaaf ah u adeegsatay dadka dibadbaxa dhigayay.

Dowladda waxay sheegtay in 38 qof ay ku dhinteen dibadbaxyada rabshada watay ee dalkaasi ka dhacay balse ha’yadda Human Right Watch waxay sheegtay in tirada ay intaasi ka badan tahay.

Bishii February, Al Bashiir wuxuu xaalad degdegg ah kaga dhawaaqay dalka.

Hadda, Makala cadda waxa uu ku dambeyn doono Al Bashiir, balse warbaahinta dowladda waxay ku warrantay in militariga Suudaan ay gordhaw ku dhawaaqi doonaan arrin muhiim ah.