Minneapolis: Afar qof oo Somali ah oo ku dhintay dab ka kacay dhisme

Minneapolis  (Caasimadda Online) – Dab xooggan ayaa ka kacay dhismo ay deganaayeen dad u badan Soomaali, kaasi oo ku yaalla magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.

Wararku waxay sheegayaan in dabkan uu si gaar ah uga kacay dabaqa 14-aad ee dhismo ka kooban 25 dabaq, waxaana la sheegay in halkaasi ku dhinteen Shan qof oo Afar qof Soomaali yihiin, sidey sheegeen Soomaalida ku nool magaaladaasi.

Maxamuud Noor oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Minnesota ayaa waxaa ay sheegay in dadka badi ay u geeriyoodeen Neefta oo ku xirantay sababo la xiriira qiiqa dabka oo aad u badnaa.

Waxaa soca baaritaanno dheeraad ah oo ku saabsan sababta keentay in dabkan uu kaco, iyadoo ciidamada Booliiska ay howshaasi wadaan.

Xaafaddan uu dabka ka kacay ayaa loo yaqaanaa Muqdisho yareey, marka la’eego sida ay Soomaalidu ugu badan yihiin.