Cumar Filish: Xilka ayaan ka qaadeynaa guddoomiyihii degmadiisa inta wax lagu dilo laga baxsado (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo la kulmay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Militeriga Soomaaliya ayaa warbixin ka siiyey amniga caasimadda, isagoo ka dalbaday in la bilaabo wada shaqeyn dhex marta iyaga iyo laamaha amniga gudaha.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa saraakiisha Militeriga iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda waxa uu u bandhigay qorshahooda sugidda amniga caasimadda, waxuuna shaaca ka qaaday in isaga iyo guddoomiyaasha degmooyinka uu balan adag meel u yaallo.

“Hadii Dagmada gudaheeda wax lagu dilo oo qofkii wax ku dilay isagoo nabad ah uu baxsado , Dagmadaas Gudoomiye cusub aa loo magacabaa, waliba nin sarkaal ah oo Militery ah Cabdi bilahiisa iyo ciidankiisa wato Gudoomiye ugu dhigeynaa ballanka aan qabno waa kaas, marka inuu habeen iyo maalin degmadiisa amnigeeeda u soo jeedo ayaan isku ogeyn” ayuu yiri Guddoomiye Filish.

Guddoomiyaha ayaa saraakiishii goobta ku sugneed u sheegay inay ka go’antahay inuu magaaladaan ka dhigo mid amni ah, waxuuna ka dalbaday in hadii uu culeyso ku yimaado amniga gudaha ay garab u noqdaan laamaha amaanka gudaha, isagoo u balan qaaday dhankooda in hadii ay iyagu culeys kala kulmaan amniga dibadda ama furimaha ay garab sii doonaan.

Halkaan ka Daawo