Somalia iyo Turkey oo kala saxiixday heshiisyo cusub

Ankara (Caasimadda Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaaray heshiis cusub oo is-afgarad ah, kadib socdaal uu dalkaasi ku gaaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Axmed Ciise Cawad ayaa maanta wadahadal laba geesood ah kula yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu magaalada Ankara, iyagoo kala saxiixday heshiis sare u qaadaya iskaashiga iyo wax wadaagga labada wasaaradood ee Somalia iyo Turkiga.

Labada wasiir arrimo dibadeed ayaa ka wadahadlay xiriirka labo geesoodka iyo siyaabihii lagu xoojin lahaa wax u adeegaya dano wadaagga dhinacyada kala duwan leh.

Heshiiska is-afgaradka ay kala saxiixdeen labada wasiir ayaa waxa uu ku salaysan yahay iskaashiga tababarka diblomaasiyadeed, is-dhaafsiga xogaha iyo dukumintiga ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Qoraal kooban oo bartiisa Twitter-ka uu soo dhigay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mevlut Cavasoglu ayaa sheegay in heshiiska ay kala saxiixdeen uu sii xoojin doono iskaashiga ka dhaxeeya labada Wasaaradood, isla markaana mar walba ay taageeri doonaan walaalaheena Soomaaliyeed sida uu yiri.

“Waxaan ka wada hadalnay xiriirkeena wanaagsan iyo arrimaha gobolka Wasiirka Arrimaha dibadda walaalkey Axmed Ciise Cawad, heshiiska aan la saxiixaday waxaa uu soo xoojin doonaa iskaashiga ka dhaxeeya wasaaradaheena”ayuu yiri Mevlut Cavasoglu.

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa xoogeystay wixii ka dambeeyay sanadkii 2011kii markaas oo macluul daran oo ka jirtay Soomaaliya oo Madaxweynaha Turkiga oo xilligaas ra’isalwasaare ahaa yimid Muqdisho kana billaabay gargaar iyada oo Turkigu kaddibna sii ambaqaaday taageerada Soomaaliya ee amaanka, dib u dhiska, Waxbarashada, Ganacsiga iyo wixii la mid ah.