Garowe (Caasimada Online) – Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa wali ka soconaya kulamada kala duwan ee u dhaxeeya madaxda dowladda Soomaaliya iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada.
Kulamada ka dhacaya magaalada Garowe ayaanan wali wax go’aan ah laga soo saarin, waxaana socda kulamada u dhaxeeya madaxda matalaysa Ummada Soomaaliyeed.
Gelinkii dambe ee shalay waxaa muuqday in is faham laga gaaray arin ku saabsan maamulka Galmudug, iyadoo la isku raacay in muddo sanad ah loo kordhiyo Madaxweyne Xaaf, walow kulamadii dambe ee xalay uu ka dhashay isfaham waa kale oo keenay in shirka lagu kala boodo.
Madaxweyne Xaaf ayaa marka hore aqbalay muddo kordhinta sanadka ah, balse markii dambe ayuu diiday in muddo kordhintaasi uu aqbalo, taasi oo keentay in shirarkii xalay lagu kala boodo.
Madaxda dawladda Faderaalka Soomaaliya ayaa doonaya in uu rabitaankooda ka hirgalo Madasha Garoowe, halka ay dawlad gobaleedyada qaarkoodna doonayaan in wax wadajir ah ay kasoo baxaan kulankan.
Ma jiraan ilaa hadda wax heshiis ah rasmi ah oo la gaaray, iyadoo Arrinta Galmudug ay ahayd caqabada ugu badan ee shirka hareysay, shalayna heshiis laga gaaray ayaa markale xalay burburay.
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com