Mo Farah oo shaaciyey in magaciisa saxda uusan sidaas aheyn iyo sir kale oo culus

London (Caasimada Online) – Orodyahanka Somali-British-ka ah ee Mo Farah ayaa shaaciyey in magaciisa runta ah uusan aheyn Mohamed Farah, islamarkaana si sharci-darro lagu soo geliyey dalka UK, isaga oo ilmo ah.

 Mo Farah ayaa sheegay in magaciisa saxda ah uu yahay Xuseen Cabdi Kaahin, islamarkaana isaga oo 9 sano jira laga soo kaxeeyey Jabuuti oo la keenay UK. 

Waxa uu sheegay in isaga oo 8 ama 9 jir ah ay Jabuuti kasoo dhoofisay haweeney uusan weligiis la kulmin, la siiyey magaca Mohamed Farah, kadibna laga dhigay shaqaale guri oo ilmaha u haya qoys kale. 

Waxa uu xogtan ku shaaciyey dokumenteri ay sameysay BBC TV oo loogu magac daray “The Real Mo Farah” ama “Mo Faraha Dhabta ah”, kaasi oo lasii deyn doono Arbacada. 

Mo Farah oo ku guuleystay tartamada 5,000m iyo 10,000m ee cayaarihii olombikada ee London 2012 iyo Rio 2016 ayaa horey u sheegay inuu UK la yimid qoyskiisa isaga oo qaxooti ah kadib markii ay kasoo carareen Soomaaliya.

Hase yeeshee, waxa uu 39 jirkan hadda sheegay in waalidkiis aysan weligood iman UK – in aabihiis lagu dilay dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya markii uu ahaa afar jir, iyo in hooyadiis iyo laba wiil oo la dhashay ay ku nool yihiin Somaliland.

“Runta waxay tahay inaan aheyn qofka aad u maleysaan inaan ahay. Dadka badankood waxay ii yaqaanaan Mo Farah, balse ma ahan magacayga, mana ahan xaqiiqda,” ayuu yiri. 

Haweeneyd usoo dhoofisay UK ayaa u sheegtay inuu la noolaan doono qaraabadiisa, islamarkaana magaciisa uu yahay Mohamed maadaama ay waday baasaboor been abuur ah oo lagu dhajiyey sawirkiisa laguna qoray magaca “Mohamed Farah.”

Farah, oo ah orodyahankii ugu horreeyey ee British ah ee ku guuleysta afar bilad oo dahab ah, ayaa sheegay in caruurtiisa ay ku dhiiri-geliyeen inuu runta ka sheego sooyaalkiisa. 

“Muddo ayaan qarinayey. Aad ayey u adkeyd sababtoo ah ma dooneysid inaad wajahdo, inta bandanna caruurteyda su’aalo ayey I weydiiyaan, ‘Aabe, sidee arrintan ku dhacday?’ waa inaad ka jawaabtaa, balse mar kasta jawaab ma heli kartid,” ayuu yiri. 

“Sababta ugu weyn ee aan u sheegayo taariikhdeeda ayaa ah inaan doonayo inaan dareemo caadi, oo aan dareymin inaan wax qarinayo.”

Xaaska Mo Farah, Tania ayaa sheegtay in sanadkii 2010 kahor arooskooda ay garowsatay “in waxyaabo badan ay ka maqan yihiin sheekadiisa” kadibna ay “su’aalo badan dhulka ku dhigtay” oo uu runta sheegay. 

Mo Farah ayaa sidoo kale sheegay in lagu qasbay inuu qabto shaqooyinka guriga oo uu ilaaliyo caruur haddii uu doonayo in cunto la siiyo.

“Haddii aad dooneyso inaad dib u aragto qoyskaada, waxba ma sheegi kartid ayaa la I dhihi jiray. Inta badan musqusha ayaan isku xiri jiray oo ku ooyn jiray,” ayuu yiri.

Macallinka jirdhiska ee Mo Farah, Alan Watkinson ayaa sheegay inuu dareemi jiray in xaaladda wiilkan yar ay isbeddeli jirtay marka uu ordayo.

“Luuqada kaliya ee uu fahmayo waxay aheyd luuqadda jirdhiska iyo cayaaraha,” ayuu yiri Watkinson.

“Waxa kaliya ee aan sameyn jiray si aan uga baxsado xaaladda guriga waxay aheyd inaan banaanka soo aado oo ordo,” ayuu yiri Mo Farah. 

Mo Farah ayaa ugu dambeyn xaaladdiisa u sheegay Alan Watkinson kaasi oo ku wargeliyey mas’uuliyiinta, kana caawiyey inuu helo dhalasha British-ka.