Wareysi: Muxuu Fiqi kusoo arkay markii uu tegay Eritrea?

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirkii hore ee Soomaaliya u joogay Midowga Yurub, haatanna ah xildhibaan ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka warbixiyay waxyaabihii uu kusoo arkay Eritrea iyo booqasho uu ku tagay xarunta lagu tababaro ciidamada Soomaalida.

Danjire Cali Saciid Fiqi oo kamid ah mas’uuliyiinta Soomaalida ee faro-ku-tiriska ah ee booqatay ciidanka Soomaalida ee lagu tababarayey Eritrea ayaa sheegay in ciidamadaas loola dhaqmay si fiican, ayna qaadanayeen tababar heer sare ah.

“Ciidamada inta aan ka warqabo si fiican oo qurux badan oo millateri dhab ah lasoo marsiiyay weeyi, marka hore meelaha buuraha ayaa lagu soo tababara oo kadib waxa la geeya xeebaha. Ciidamada la tababaray waa noocyo kala duwan waxay badankooda u badan yihiin xooga dalka,” ayuu yiri Danjire Fiqi oo la hadlay VOA-da.

Sidoo kale waxa uu sheegay in madaxweynaha Eritrea ay dhankiisa ka timid in Soomaaliya ay dowladiisa u tababarto ciidamo qeyb ka noqda dagaalka ka dhanka ah argagixisada, taasi oo markii dambe uu ku raacay madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida uu sheegay.

“Waxaa hubaa inay fikrad fiican aheyd in ciidankaas la geeyo halkaas (Eritrea), marka nimankaan iyaga oo tababaran oo qoryahooda wata ayaa wadanka la keenaya.”

Danjire Fiqi oo wax laga weydiiyay tuhuno sanadihii dambe dul hoganayay ciidamadaas ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in askar ka tirsan ciidamada Soomaaliyeed ee la tababarayo ay qeyb ka noqdeen dagaalkii Itoobiya.

“Ciidamadaas wax walba oo ciidan la siiyo waa la siin jiray oo si fiican ayaa looga war qabay, xataa waxaa ka warqabay inta sigaarka cabta in la siin jiray sigaarka, waxaan hubaa in si fiican looga warqabay.”

“Ciidan si fiican loo soo tababaray weeyi oo maanta meeshii loo diro kasoo bixi kara weeyi. Waa dad ciidan loo soo tababaray oo loogu tala-galay inay waddan difaacan.”

Ugu dambeyntiina waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku bogaadiyay in uu mas’uuliyad gaar ah iska saaray ciidamadaas, islamarkaana safar u kuur-galid ah u tagay dalka Eritrea.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kusoo laabtay dalka kadib booqasho afar maalmood ah oo uu ku tagay dalka Eritrea.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki ayaa ku heshiiyey inay xoojiyaan xiriirka siyaasadeed, kan diblomaasi iyo in kor loo qaado iskaashiga difaaca iyo amniga.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intii uu joogay Eritrea booqday askarta Soomaalida ah ee muddada ku dhow saddexda sno lagu tababarayey dalkaasi kuwaasi oo ay hadheeyeen warar kala duwan oo ku saabsan faya-qabkooda iyo xaaladda tababarkooda.

Hoos ka dhageyso wareysiga