Daawo: Qeylo dhaan ka dhalatay bandowga Mootada ee Muqdisho lagu soo rogay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wadeyaasha mooto Bajaajta ee ka shaqeysta magaalada Muqdisho ayaa qeylo dhaan ka muujiyey bandowga lagu soo rogay xiliga habeenkii ah, kaas oo aan la cayimin waqtiga uu ku egyahay.

Warbaahinta Muqdisho ayaa soo bandhigtay qeylo dhaanta dhalinyarada ku shaqeysata mooto Bajaaj-ta, iyagoo sheegay in bandow lagu soo rogo mooto Bajaaj uusan waxaba ku soo kordhi doonin amniga caasimadda.

Qaarkood waxay soo jeediyeen in hadii habeenkii bandow lagu soo rogay Bajaajleyda aan maalintii laga xiran wadooyinka, xilli ay maanta wadada Maka Al-mukarama sacad ka badan u xirneed wafdigii Madaxweyne Xasan Sheekh oo Asmara ka soo laabtay.

Sidoo kale qaar kamid ah dhalinyaradaan oo la wareystay waxay ku doodeen inay xaq u lahaayeen in bandowgaan lagu soo war geliyo seddax cisho ka hor, iyagoo sheegay in dowladdu ay ku fududaatay go’aankaan.

“Go’aankaas waa ka yaabay anigu, amniga Muqdisho wuxuuba fiican yahay wixii lix saac oo habeenkii ah ka dambeeya, tuugadu waxay dadka dhacdaa maqribkii ilaa lix saac wixii ka horeeya, marka waxaan leeyahay boolisku dib ha isugu laabto saan amni kuma sugmaayee,” ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyarada.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan oo gelinkii dambe ee shalay shir jaraa’id ayaa ku dhawaaqay go’aankaan ka soo baxay booliska ee lagu mamnuucay dhaqdhaqaaqa Bajaajta, wixii ka dambeeya 12:00 AM saqda dhexe ee habeenkii.

Boolisku ma shaacin goorta uu ku egyahay bandowgaan, waxaana xusid mudan in Bajaajta ay muhiim u tahay isku socodka iyo ganacsiga magaalada, maadaama ay dadku xaafadahooda u raacaan xilliga ay hoyaadayaan.

Hoos ka daawo