Karaash oo qaaday tallaabo looga jawaabayo celinta diyaaradii xildhibaan Sacdiya

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Karaash ayaa shaqo-joojin ku sameeyey laba wasiir oo kamid ah xukuumadda, kadib dhacdadii shalay dib loogu celiyay diyaaradii ay la socotay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.

Labada Wasiir ee uu shaqo joojinta ku sameeyay Karaash ayaa kala ah Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Xuseen Cismaan Lugatoor iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Bada Puntland, Axmed Yaasiin Saalax.

“Waxaa waajibaadka shaqo ee labada Wasaaradood si ku meel gaar ah u sii wadi doona Wasiir ku-xigeenada Wasaaradahaas,” ayaa lagu yiri warqada shaqo joojinta ee uu soo saaray Karaash.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ku sababeeyay shaqo joojinta labada wasiir baal-maridda iyo fulin la’aanta waajibaadka Dastuuriga iyo hubsiimo la’aanta mas’uuliyadeed ee fulinta shaqada.

Shalay ayey aheyd markii laga soo celiyay garoonka magaalada Boosaaso diyaarad ay la socotay ku simaha madaxweynaha Soomaaliya, ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samayar, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, amar kasoo baxay madaxda sare ee Puntland ayaa lagu soo celiyey diyaaraddaas oo markii hore ka baxday garoonka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale ilo wareedyada aan la hadalnay ayaa innoo sheegay in duuliyaha uu dalbaday inuu shidaal ku shubto diyaaradda, waxaana markaas kadib loo ogolaaday inay ku degto garoonka, balse ma dajin wax rakaab ah, iyada oo kadib kusoo noqotay dhanka Muqdisho.

Wararka aan helnay ayaa intaasi kusii daraya in Sacdiya Yaasiin oo haatan dalka ka ah ku sime madaxweyne aysan markii hore socdaalkeeda ku wargelin Puntland, taas oo sababtay in madaxdu ay soo saarto go’aankan oo xiisad xoogan ka abuuray Boosaaso

Arrintan ayaa waxaa ka dhalatay shaqaaqo xoogan, waxaana lagu soo warramayaa inuu iska hor imaad ka dhacay magaalada Boosaaso, kaas oo u dhexeeyey ciidamada Puntland iyo kuwa doonayey inay galbiyaan Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.