Mohammed Bin Salman oo billaabay qorshe ku wajahan Taalibaan – Muxuu sameeyey?

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa raadineysa door cusub oo ay ku yeelato Afghanistan kadib qabsashadii Taalibaan, waxayna caawimaad ka raadin kartaa Pakistan, xilli Qatar oo ay xifaaltamaan ay kusoo baxday dalka ugu saameynta badan Afghanistan.

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman ayaa madaxii hore ee sirdoonka boqortooyada Turki al-Faisal u xil saaray inuu dib usoo cusbooneysiiyo xiriiradii uu la lahaa hoggaamiyayaasha Taalibaan, oo uu la macaamilay 20 sano kahor.

Turki al-Faisal, oo 76 jir ah, ayaa ahaa madaxa sirdoonka Sacuudiga, intii u dhaxeysay 1979-kii ilaa 2001, wuxuuna kaalin ku lahaa isku xirka mujaahidiintii Afghanistan ee la dagaalamay Midowga Soviet ee kusoo duulay.

Sida ay ku warantay shabakadda Intelligence Online, Faisal ayaa dhowaan la kulmay Mullah Yaqoob, oo ah wiilka aas-aasihii Taalibaan Mullah Omar, wuxuuna sidoo kale Qatar kula kulmay Mullah Baradar.

Baradar ayaa ah madaxa siyaasadda Taalibaan, wuxuuna hoggaaminayey wada-xaajoodyadii ay kooxda la gashay dowladda Mareykanka ee dhaliyey inay ciidamada shisheeye ka baxaan dalkaas.

Kadib qabsashadii Taalibaan ee Afghanistan, Qatar oo ah dal yar oo ay xifaaltamaan Sacuudiga, ayaa waxa uu Mareykanka ammaan kaga muteystay sida ay gacan uga geysteen in kumanaan qof laga daad-gureeyo garoonka diyaaradaha Kabul.

Qatar ayaa sidoo kale horey Taalibaan ugu ogolaatay inay xafiis siyaasadeed ka furato Doha 2013-kii, ayada oo taageero ka heleysa madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama.

Khubarada ayaa u sheegay Middle East Eye, in ayada oo la rumeysan yahay in xiriirka tooska ah ee Taalibaan iyo Sacuudiga uu xadidan yahay, ay Riyadh ay ka faa’iideysan kartoo saameynta Pakistan ay ku leedahay Taalibaan.

Hase yeeshee, khubarada qaar ayaa ka digaya in saameynta Pakistan ee Taalibaan aysan u xoog badneyn sidii hore, ayada oo Qatar iyo Turkey ay hadda kusoo baxeen labada dal ee miisaanka ku leh Kabul.

“Waxa ay Sacuudiga ku heli karaan maritaanka Pakistan, waa ay xadidan yihiin. Labaduba hadda sidii hore saameyn uguma lahan Taalibaan,” waxaa sidaas yiri Arif Rafiq, oo ah madaxa shirkadda la-talinta amniga ee Vizier Consulting, oo la hadlay Middle East Eye.

“Taaliban waxay xiriir la horumarisay dalalka kale ee gobolka. Hadda sidii hore waa ay kaga xiran yihiin caalamka,” ayuu ku daray. “Sacuudiga hadda muhiim uma ahan sidii hore.”

Sacuudi Carabiya ayaa xirtay safaaraddeedii Kabul kadib markii Taalibaan ay qabsatay magaalada, waxaana wixii markaas ka dambeeyey ay ka aamusneyd dhacdooyinka dalkaas ku yaalla bartamaha Asia.

Sacuudi Carabiya, Imaaraadka iyo Pakistan ayaa ahaa saddexda dal ee kaliya ee aqoonsanaa Taalibaan markii ay Afghanistan maamuleysay intii u dhaxeysay 1996-ii illaa 2021. 

Xiriirkooda ayaa xumaaday markii Taalibaan ay diiday inay hoggaamiyihii Al-Qacida Sheekh Osmaba Bin Laden usoo masaafuriso dalkaas.

Riyadh ayaa si rasmi ah xiriirka ugu jartay Taalibaan kadib markii ay dhaceen weeraradii September 11, 2001 ee lagu qaaday Mareykanka.