Xog: Boqor Cabdullahi Geedi Shadoor oo kala dhex-galay Rooble iyo Yaasiin Fareey

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u sheegeen odoyaal dhaqan iyo siyaasiin ka soo jeeda beesha uu ka dhashay taliyaha hay’adda NISA ee gobalka Banaadir Yaasiin Cabdullaahi Fareey, oo habeen hore Farmaajo u magacabaay Agaasimaha KMG ee hay’adda NISA, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa qaabilay guddi ka socda beesha Waceysle. 

Guddigaan ayaa waxaa hogaaminayay Boqorka Beesha Waceysle Boqor Cabdullaahi Geedi Shadoor, waxaana ujeedada kulanka lagu sheegay in Rooble lagala hadlayay tallaabooyinkii uu qaaday taliyihii NISA ee gobalka Banaadir Yaasiin Cabdullaahi Fareey. 

Xogta ayaa tilmaameysa in Boqor Geedi Shadoor uu Ra’iisul Wasaare Rooble ka codsaday in aan xilka laga qaadin Yaasiin kuna difaaca kursiga taliyaha NISA ee gobalka Banaadir, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya loo balan qaaday in Yaasiin Fareey laga reebi doono Villa Somalia oo uu hadda ku xiran yahay. 

“Rooble waxaa loo balan qaaday in Yaasiin uusan amarkiisa ka hor imaan doonin una hogaansami doono awaamiirtiisa, isagana waxaa laga codsaday in uusan xilka ka qaadin,  waxaana laga raali geliyay shaqaaqadii Arbacadii ka dhacday xarunta NISA ee sababta u ahaa Yaasiin Fareey,” ayuu yiri mid kamid ah odoyaasha dhaqanka beesha Waceysle. 

Boqor Cabdullaahi Geedi Shadoor iyo Nabadoonka jufada uu ka dhashay Yaasiin Fareey oo lagu magacaabo Cali Jeesto ayaa isku khilaafay in Rooble laga dalbado in uu dhaafo Yaasiin Fareey. 

Nabadoon Jeesto oo ah nabadoonka Yaasiin Fareey ayaa qaba in xilka laga qaado maadaama uu qaatay go’aano qaraar oo aan ku dhisneen maslaxad danguud ah, sidoo kale Cali Jeesto ayaa qaba in Yaasiin Fareey aan laga reebi karin Farmaajo, islamarkaana uu beesha sumcadeeda dhaawici karo. 

Kulanka oo muddo socday kadib ayaa la isku fahmay in haddii Yaasiin Fareey uu qaado talaabo dambe oo ka dhan ah go’aanada Rooble uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka qaadi karo talaabo kasta oo sharci ah, sida xariga iyo xil ka qaadisba. 

Nabadoon Jeesto kulanka qeyb kama aheyn sida aan xogta ku helnay balse kulamo kale oo dhaxmaray isaga iyo Boqorka ayuu kaga deyriyay hab dhaqanka Yaasiin Fareey.